Fiqi: Usha Xaaji Muuse gaaristeeda iyo taabashadeedu wax sahlan maahan!

0
466

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay xiisadda u dhaxeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ee ka taagan magaalada Muqdisho. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi.Usha Xaaji Muuse gaaristeeda iyo taabashadeedu wax sahlan maahan!Ilmo yar oo dab ku dhacaya ciddii u dhow ama ka naxaysa waxaa waajib ku ah in ay ku soo booddo, kana badbaadiso dhaawaca iyo gubashada ka soo gaari karta dabkaas ay u geysey in uu ku dhiirado garasho yari iyo kala soocid la’aan khasaaraha ka soo gaari kara, laakin marka QARAN dhan la doonayo in dab si ula kac ah loo galiyo, dhaawaca iyo gubniinka ka iman karana uu baaxad weyn yahay ma mudna in qolodaas aysan u qiyaasanayn ficilkooda khasaaraha ka dhalan kara in indhaha laga fiirsado ama la sii lumiyo, waxaa inta caqliga leh ku waajib noqonaysa in kooxdaas loo digo, loo caqli celiyo, loona sheego inuusan dabku cayaar-gelin,In runta la iska indho-tiro waxba kama bedeleyso xaaladda, mana ahan habdhaqan fayoobi qaba, waxaana laga yaabaa in muddo kooban ay waxtar qofkeeda u yeelato, laakin muddo ka dib is-maahsiintaasi waxey isku bedelaysaa mid qofkeeda indhool ka dhigta ugu danbeynna u hogaamisa gull-darro uusan ka soo kabsan karin.Booqashadaydii Senator Alxaaji Muuse Suudi Yalaxow oo aan barlamaanka Federaalka Soomaaliya ka wada tirsannahay waxey ahayd mid xildhibaanno dhexmartay, dad macrifo dheer oo ehel ah ay wada qaateen, mid xoojinaysa nabadda iyo xasiloonida, la isagana warraystay dhibaatooyinka siyaasad xumada dalka ka socota iyo amni-darrada caasimada Muqdisho ka jirta iyo cidda mas’uuliyadeeda leh.Senator Muuse Suudi waa nin nabdeed oo warankiisii yaanbo ka samaystay, waa mas’uul ku jira hey’adaha sharci-dejinta dalka, waa oday la yaqaanno, ma ahan wax la aqbali karo in la karaamo darreeyo, haddii dalka sharci aan ahayn qori caaraddii uu ka jiro wax kasta oo la isku hayo halkaas in la isla aado ayaa cid kasta oo caqli leh ku talinaysaa, senatorkuna uu diyaar u yahay, Safaarad dal ajnabi ah ayaan ugu duulayaa hoyga dawlad Soomaaliyeed ay siisay oday Soomaaliyeed haddana ah senetor, una daadinayaa dhiig dad Soomaali ah ayana uma muuqato go’aan caqli fayow ka soo baxay,Ciidamada qaranka waxaan ugu baaqayaa in aysan qeyb ka noqon dagaal siyaasadaysan oo shakhsiyaad cuqdadaysan maankooda ka soo baxay, kama mid ahan waajibaadkooda qaran in ay ku duulaan dad mas’uuliyiin ah hoygooda iyo sharafkooda.Shabaab ayaa u baahan dagaal iyo dil, waxey heystaan dhul baaxad weyn oo Soomaaliyeed, ayagaa u baahan in khtartoodana dalka laga wareejiyo dhulka kumanaan kilomiter ah ee ay heystaana laga xoreeyo, ma ahan guriga Senaor Muuse in ciidamada qaranka lagu marin habaabiyo.Waxaan idinla wadaagi doonaa faahfaahinta arrinta guriga Xaaji Muuse la xiriirta oo dhammaystiran, mana jirto waanwaan iyo cid heshiis ugu timid sida uu noo sheegay senatirku.




SOURCE: Fiqi: Usha Xaaji Muuse gaaristeeda iyo taabashadeedu wax sahlan maahan!

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.