Fiqi: Waa ayaan-darro in Mursal uu jeebkiisa ka keensado qodob aan ku jirin ajandaha + Video

0
326

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay doodii iyo murankii Maanta ka dhashay kulankii Baarlamaanka ee looga hadli rabay Arrimaha Amniga balse baaqday.Fiqi wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal uu isaga jeebkiisa ka keensaday Qodob aan ku jirin Ajandaha Kulanka Baarlamaanka oo ka koobnaa illaa Seddex Arriin:1) Furitaanka Aayadaha Qur’aanka Kariimka2) Ansixinta Ajandaha3) Ka doodista Amniga Qaranka.Wuxuu Fiqi tilmaamay inaan loo baahneyn in qarsoodi laga dhigo marka Golaha Shacabka uu la xisaabtamayo Hey’adaha Amniga.Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu fiqi soo dhigay Facebook:Kulankii golaha shacabka maantay Kulankii 3-aad ee kalfadhiga 5-aad ee maantay ka dhacay Xarunta golaha shacabka ayaa ku Soo dhamaaday ayaandarro iyo isdaba-marin la xiriirtay codayn la sameeyey oo aan ajandahaba ku jirin.30 Maarso ayaa 17 xildhibaan guddoonka golaha u gudbiyeen Soo jeedin arrimaha amniga In ajandaha lagu Soo daro, ayadoo fadhigaas iyo kii ka danbeeyaba la baaijyey.06 April oo Maanta aheyd ayaa mar kale loo balamey isla ajandihii ayadoo la keenay wasiirada amniga iyo kan difaaca iyo dhowr Taliye ciidan, kulanka ajandihiisa ayaa la qeybiyey waana loo codeeyey.Waxaa ayaandarro aheyd In Guddoomiyaha golaha shacabku qodob kale oo jeebkiisa ah uu la Soo baxey, oo aheyd In saxaafadda dibadda loo saaro, kaasoo aan ku iman codsi madaxda hey’adaha amniga ama codsi Xildhibaanada xagooda ah, waxaa intaas ka sii darnayd markii uu codayntii qeybna ku sheegay in la Soo tiriyey, qeybtii kalena ayagoo gacmihii taagaya oo aan la tirin laga gudbay, ka dibna natiijo jeebkiisa ah uu ku dhawaaqay.Barlamaanadu marka ay hey’adaha amniga la xisaabtamayaan laguma qasbana In waxyaalo sir hoose ah la sheego, waxaa laga doodi lahaa arrimaha siyaasaadka amniga la xiriira ee xukuumaddu ku fashilantay iyo dhibaatooyinka shacabka loo geysanayo, waxaa Maanta muuqatay sida loo doonayo in barlamaanka la caburiyo, loona diidan yahay isla xisaabtanka.Daawo buuqii ka dhacay baarlamankaCaasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Fiqi: Waa ayaan-darro in Mursal uu jeebkiisa ka keensado qodob aan ku jirin ajandaha + Video

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.