FRED GOORMUU TIJAABADA CAAFIMAAD U MARI DOONAA MAN UNITED.

0
180

xidiga dhawaanahan sida wayn loola xiriirinayay kooxda Manchester United una ciyaara kooxda Shakter ee Fred  Ayaa waxaa la ogaaday goorta uu sida rasmiga ah tijaabada caafimaad ugu mari doono Kooxdan.

Fred oo haatan jooga England ayaa lagu wadaa in todobaadkan dhexdiisa Man united u saxiixo heshiis ku kacaya ilaaa 5 sano halka sidoo kale uu tijaabada caafimaad mari doono.

waa xidig bandhigyadiisa ay aad u wanaagsanaayeen mudokyinkan  waana mid kamid ah xidigaha la aaminsan yahay in ay si wayn ugu baahan tahay Red Divels.

waxuu noqon doonaa saxiixa ugu horeeya ee xagaagan ay samayso United iyadoona Jamaahiirta ay si wayn isha ugu hayaan.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.