FULHAM OO MUDO KADIB KUSOO LAABATAY PREMIER LEAGE.

0
210

Wararka ka imaanaya Horyaalka Premier Leage ee dalka ingariiska ayaa waxaa ay sheegayaan in Kooxda Fulham ay si rasmi ah ugu soo laabatay Horyaalka Premier Leage qatbtiisa koowaad oo ay in mudo ah ka maqnaayeen.

Kooxdan ayaa waxaa ay garaacday Aston Villa taa oo u suuro galisay in ay usoo dalacaan Horyaalka Qaybtiisa 1aad.

Kulanka ay kooxahan isku wajaheen ayaa waxaa uu kusoo idlaaday 1-0 iyadoona taageereyaasha kooxda fulham si wayn u dabaal dageen guushaan aadka u baaxada wayn.

Kooxda Fulham waxaa ay ku ciyaaraysay 10 xidig oo kaliya kadib markii mid kamid ah xidigaheeda kaarka casaanka ah lasiiyay.

Kooxdan ayaa usoo dalacday Premier Leage xili kooxo mudo joogay Premier Leage ay hoos uga dheceen Horyaalka Qaybtiisa 1aad.

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.