Fursadaha iyo caqabadaha haysta dib u doorashada madaxweyne C/W Gaas

0
228

Caqabadaha Sooyaalka taariikheed ee doorashooyinka Soomaaliya oo ah in aan nin mar la doortay mar kale dib loo dooran.Madaxweyne Gaas 5 tii sano ee uu xukunka hayay kuma tallaabsan guulo la taaban karo oo shacabka iyo xubnaha baarlamanka wax dooranaya ku qancin kara in dib loo doorto, waxaana jira in amniga uu aad u liito oo maanta Bossaso saddex cashuurood laga qaado ganacsata ; mid ay qaado Dawladda , mid ay qaato Shabaab iyo mid ay qaato Daacish, waxaana sare u kacay weerarada lagu khaarajinayo askarta iyo ganacsatada magaalada Bossaso.Kaabihii dhaqaale ee ugu muhiimsanaa Puntland oo Bossaso ah ayuu ku wareejiyay heshiis mugdi ku jiro oo keenay in ilaa hadda ganacsato iyo shacab badan reer Puntland u arkaan bililiqo cad iyo wareejinta dekaddii kaliya ahayd ee Puntland ku taamaysay, iyadoon ilaa hadda wax shaqo ah aanay ka qaban shirkaddii lagu wareejiyay.Kaaabyaashii dhaqaalaha oo aanu wax la shaeego ka qaban marka laga yimaado dhamaystirka garoomada Bossaso iyo Garowe oo xilligii Faroole soo bulaamay, waxaana fashil ku yimi mashruucii wadada isku xirta Garowe iyo Galkacayo oo ahaa mashruuca kaliya ee uu bilaabay , sidoo kale waxaan fari ka qodnayn mashruucii dhismaha wadada Ceeldaahir Baran.Waqtigii shanta sano ahaa waxaa baahay musuqmaasuqa ilaa heer xitaa mashruucii Baanka Aduunka uu istaagay ka dib markii si bareer ah loo musuqmaasuqay shaqaalihii loo qaadanayay wasaaradaha , taas oo keentay in baarlamanku kala diro maamulka hay’adda shaqaalaha rayidka ah, waxaana ilaa hadda aan la bilaabin kabista mushaaraadka shaqaalaha dawladda , maadaama Puntland ay buuxin wayday shurudihii dib habaynta maaliyadda iyo shaqaalaah sida Jubbaland oo ah maamul goboleedka kaliya ee Baanku shaqaalaha u kabo oo shuruudaha qayb ahaan kasoo dhalaashay.Waxaa Meesha ka baxay tayadiiw asaaradaha oo noqday qalfoof tiro badan oo tayo daran , iskuna wada haysta mashaariicda kooban ee kasoo dhaca deeq bixiyaasha.Waxaa mushaar la’aan kusoo dhacay shaqaalaha dawladda iyo ciidanka iyada oo hay’adaha garsoorka oo kale ay sheegeen in ilaa laba sano celclelis aanay helin mushaar , kaas oo ah mid lagu tilmaamay mushaar la’aantii ugu dheerayd ee abid so marta Puntland.Waxaa dhacday in Soomaaliland la wareegto Tukaraq oo dhul hor leh ka qabsato Sool, waxaana markii ugu horaysay Muuse Biixi ku hanjabay inuu weerarayo caasimadda Garowe , taas oo muujisay habacsanaanta xukunka Gaas iyo sida uu ugu fashilmay difaaca xuduudaha Puntland iyo soo celinta Laas-caanood. – Waxaa kordhay walwalka laga qabo burbur ku yimaada hannaankii maamul ee Puntland , waxaana hoos u dhacay maqaamkii ay Puntland ku lahayd heer federal .Badi musharixiinta oo ay suurtagal tahay inay u midoobaan ridista Gaas waa caqabad kale oo laf dhuun gashay ku ah Gaas – Xildhibaanada oo xitaa haddii qaybi ku qanacsantahay dib u doorashada Gaas , walwal badan ka qabi kara xaaladda amni ee Puntland , iyadoo ay dhici karto in carashada shacabka keento in xildhibaanada noqdaan kuwa bartilmaameed sharciyaysan u noqda dilal qorshaysan oo ay fuliyaan kooxaha xagjirka oo ka faa’idaysanaya carada dadwaynaha . Fursadaha uu Haysto MADAXWEYNE Gaas.Fursadaha Gaas MADAXWEYNE Gaas waxaa lagu tilmaamaa nin qabaw oo aan eed gaara dadka reer Puntland ka gelin, islamarkaasna ku dadaalay inuu yareeyo caburinta dadka siyaasad ahaan uga soo horjeeda.Musharixiinta ugu badan ee u taagan jagada madaxtinimada oo kasoo jeeda gobolka Karkaar ayaa kuwooda ugu cad cad waxaa ka dhex jira khilaaf ba’an oo u suurta gelin kara Gaas inuu guulaystoMADAXWEYNE Gaas waxa uu leeyahay khibrad dhanka laaluushka iyo kasbashada isimada qaarkood isaga oo si musuqmaasuqa uga codsanaya qaarkood inay ku taageeran saxiixa si uu u la soo baxo xubno baarlamaan oo codka siiya, waana farsamo la leeyahay waxa uu ka bartay Muqdisho iyo xilliyadii oo federaalka RW ka ahaa.MADAXWEYNE Gaas waxa uu ka faa’idaysan karaa niyad jabka xildhibaanada qaar ka haysta isbedel yimaada , taas oo keeni karta inay isku qanciyaan in intii wax aan la aqoon imaan lahaa xukunka loo dayo MADAXWEYNE la yaqaan oo aan xaalka  laga dhigin ka dar oo dibi dhal.MADAXWEYNE Gaas waxa uu haystaa malaayiin doolar oo uu ku awoodo inuu ku laaluusho xubnaha baarlamanka taas oo keeni karta in haddii xubno badan oo lacag doona soo galaan baarlamanka ay door bidaan lacagta oo dib u doortaan MADAXWEYNE Gaas .Ka faa’idaysiga guux ka dhex jira qaybo ka mida danlayda siyaasadda Puntland oo ah in sanadka la jabiyo qaabka hagbadda ama meertada xukunka ee gobolada Karkaar , Nugaal iyo Mudug , isaga oo ku qancin kara qaybo ka mida xildhibaanada in hagbadda la jabiyo, waana qorshe uu gadaal ka riixayo Gaas maadaama uu yahay musharaxa ugu culus ee tartanka ugu adag la geli doona musharixiinta badan ee kasoo jeeda Gobolka Karkaar.W/Q: Cabdiraxman Yuusuf dareenwadaag2020@gmail.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid




SOURCE: Fursadaha iyo caqabadaha haysta dib u doorashada madaxweyne C/W Gaas

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.