Fursado dahabi ah oo hor-yaalla Soomaali Galbeed

0
40

Inta aanan u gelin dulucda qormadeyda, Aan marka hore raali-gelin buuxda ka bixiyo Anigoo waliba ku hadlayo magaca Soomaalida ku nool dhulka Jamhuuriyadda xad-gudubkii lagula kacay halgamaa C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), Kaasi oo loo dhiibay maamulka ka arimiya waxan loogu yeero Itoobiya. Waxaana raali-gelintaasi siinayaa guud ahaan Soomaali Galbeed, Gaar ahaan ururuka ONLF oo uu C/kariin ka tirsanaaa.
Waxaana rajeynayaa mar alaale iyo marka la helo dowlad Soomaaliyeed oo caadil ah in la maxkamadeyn doono shaqsiyaadkii ka danbeeyey jariimadaasi foosha xun ee dhaawacday quluubta malaayiin Soomaali ah oo u hanweyneyd dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo. Jariimadan, Ayaanan ku koobneyn walaalkeen C/kariin oo qura, Bal waxa ay ku dhacday Soomaali badan oo aan waxbo galabsan.
Xaqiiqdii, Waxaa hoos u dhacay qiimaha qofka Soomaaliga ee maanta nool. Taana waxaa u daliil ah dhacdadan iyo kuwa la midka ah ee maalin walba ku dhacayo dadka Soomaalida ee ku dhaqan dhulka Jamhuuriydda iyo deegaanada kale ay xoogga ku haystaan maamulada Xabashida iyo Kenyaatiga. Sow ma’ahayn maalmo ha hor markii aan maqalnay kufsi loo geystay dhabdho Soomaaliyeed oo ku socdaalayey duleedka deg. B/xaawo ?
Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan uga waramayo fursadaha dahabiga ah ee maanta horyaallo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka loo yaqaanno Soomaali Galbeed oo ay dadka qaarna ugu yeeraan Ogaadeeniya, ka dib isbedelkii ka dhacay waxan looogu yeero Itoobiya. Itoobiya, Ayaa waxa ka dhacay isbedel ballaaran oo saameeyey hogaankii dalkaasi oo ay in muddo ah horboodeysey qowmiyadda Tigreeda.
Waxa uu isbedelkaasi keenay in ra’isulwasaare loo doorto shaqsi ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee aannu wax badan wadaagno. Hadabo, Aniga oo aan hadalka dheereyneynin. Waxaan leeyahay waxaa horyaallo walaalaheen reer Soomaali Galbeed fursado dahabi ah oo ay in muddo ah googobayeen, Kuwaasi oo ay ku noqon karaan dal ka madaxbanaan Itoobiya inteeda kale waase haddii fursadahaasi laga faa’iideysto.
Sidan soo sheegeyba, Waxaa maanta horyaallo walaalaheena reer Soomaali Galbeed fursado dhayman ah oo ay ku xaqiijin karaan ahdaaf ay in mudda ah u halgamayeen. Tusaale ahaan, Waxaa uu isbedel ku dhacay hab maamulkii ka jiray waxan loogu yeero Itoobiya oo ay hadda la wareegeen hogaankeeda qowmiyadda Oromada oo runtii dhib badan ay ka soo gaareen qowmiyadaha kale ee Itoobiya sida Xabashida iyo Tigreeda oo kale.
Qowmiyaddan, Ayaa ah qowmiyad aannu wadaagno waxyaabo badan oo muhiim ah sida diin iyo dhaqan oo kale, Inkasta oo ay ku jiraan kuwa aanan waxba wadaagin sida Booraanta oo kale. Waxaana aaminsanahay in qowmiyadda Oromadu ay garwaaqsan tahay dhibaatooyinkii loo geystay dadka Soomaalida oo un dalbanayey inay u tashadaan dhulkooda oo uu si sir ah ugu daray Itoobiya kale gumeystihii Ingiriiska.
Isbedelkan dhacay dartii, Ayaan aaminsanahay inuu Soomaalida u horseedi karo in la weydiiyo waxa ay doonayaan sidiiba horay loogu sameeyey dadka Ereteriyaanka oo qeyb ka ahaa waxan loogu geero Itoobiya. Maadaama qof walba oo bini’aadam ah uu xaq u leeyahay in uu Isagu go’aamiyo masiirkiisa iyo waxa uu doonayo. Hadabo, Ma jirto sabab xaqaasi loogu diido dadka Soomaalida oo runtii ah dad dariskooda ixtiraama.
Anigu, Waxaan aamisanahay in dadka Oromada iyo siyaasiyiintooduba aysan dhib u arkin in Soomaalidu ay yeelato dal Iyaga u gaar ah maadaama ay muddo dheer dagaal kula jireen dowladihi soo maray Itoobiya sida ay taariikhdu xuseyso. Waxaan kaloo aaminsanahay in hogaanka cusubi aanu diideyn in afti laga qaado dadka Soomaalida ah, Si loo weydiiyo inay ka go’ayaan Itoobiya inteeda kale iyo inay ka sii mid ahaanayaanba.
Fursadaha kale ee jira, Ayaa waxaa ka mid ah inay jirto jabhadd la yiraahdo ONLF oo in muddo ah u soo halgameysay gobolkaasi. Taasi oo dagaal adag la soo gashay maamulkii ay horboodeysay qowmiyadda Tigreeda ee dhibaatada badan geysatay. ONLF, Ayaa aaminsan in afti xor ah oo uu Caalamku goob-joog ka yahay laga qaado dadka Soomaalida ah, ka dibna lagu dhaqmo waxa ka soo baxa aftidaasi dadweyne.
Fikraddan, Ayaa ah mid wanaagsan oo ay shucuub badani ku heleen xaqooda. Waana tii u suuragelisay Eriteriyaanka inay ka go’aan Itoobiya inteeda kale. Maadaama maanta Itoobiya la dhegeysanayo mucaarad qura. Anigu, Waxaan qabaa in ONLF ay hogaamiso wixii wadahadal oo lala galayo maamulka cusub ee ay Oromadu horboodeyso, Si  looga faa’iideysto fursadaha dahabiga ee maanta jira.
ONLF, Ayaa haysata aqoonsi iyo matalaad ay ku matali karto gobolkaasi maadaama ay in muddo u soo halgameysay. Waana sababtaasi sababta aan u leeyahay waa in iyada looga danbeeyaa wixii wadahadal ah oo lala galayo maamulka cusub ee Abey axmed. Waxaa kaloo laga yaaba in ONLFay  leedahay saaxiibo badan oo ka tirsan Jabhadaha Oromada oo saameyn ku leh isbedelka dhacay ama dhici doona. Taasi oo haddi ay jiro aad u wanagsan.
Dhinaca kale, Waxaan ka digayaa in wax dowr ah la siiyo kooxdii Cabdi Iley maadaama lagu xaglinaayo inay daacad u ahayd maamulkii Tigreeda ee dhibaatooyinka badan u geystay qowmiyadaha Oromada, Amxaarada iyo waliba Soomaalida. Haddii uu isbedel dhaco, Itoobiya waa u caado in qoladii hore ay xabsiyada aaddo ama ay dibadaha u cararto. Waan ku celinayaa mar kale, Waa inayan wax dowr ah yeelan kooxdii Cabdi ee Soomaali waxan bidday.
Fursadda ugu muhiimsan ee maanta jirta, Ayaa ah Inuu jiro dareen kacdoon oo ka muuqda dadka Soomaalida oo dareemey awoodda uu leeyahay shacabku marka uu kaco, Islamarkaana uu muujiyo dulqaad iyo adkeysi. Waana sababtaasi sababta keentay inay wadooyinka u soo baxaan Iyaga oo aan waliba ka baqeynin taangiyda waa weyn ee loo keenay in lagu cabsi-geliyo. Ma jiro dunida shacab kacdoomay oo hadana qasaaray.
Anigu, Waan qabaa runtii in Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya ay sii wadaan kacdoonada Iyaga oo aan dhibaato geysaneynin inta ay ka helayaan xuquuqda ay u baahan yihiin oo dabcan ah madaxbanaani iyo dal iyaga u gaar ah. Laakiin waa in kacdoonadaasi ay towjiihiso jabhadda mucaaradka ee ONLF oo ah midda qura ee maanta ka jirta deegaanadaasi. Walow loo baahan yahay in jabhadda la ballaariyo sida ay qabaan dad badan.
Nasiib wanaag, Isbedeladan ayaa imaanayo xilli ay dhulka Jamhuuriyadda ka jirto dowlad la aqoonsan yahay oo uu hogaamiyo shaqsi aan u haysanno inuu wadani yahay, Balse uu ka muuqdo jileec badan oo aanan garaneynin waxa u sabab ah. Dowladdani, Ayaa taageeri karto Soomaalida maadaama ay leedahay awoodo kala iyo saaxiibo badan oo ay arinkan kala hadli karto sida Masar oo kale oo ay Itoobiya is-hayaan sababo ka xariira wabiga Niil.
Dowladda madaxweyne Farmaajo, Ayey maanta horyaallaan fursadahan dahabiga ee ay doon-dooni jirtay Dowladdii Maxamed Siyaad ama middi Cabdiqaasim. Waxaana Dowladda looga fadhiyaa inay qaadato dowr ay taarikhdu xusto. Ma jirto Itoobiya maanta laga baqo. Mana jirto dowlad weyn oo si indho la’aan ah u garab-taagan. Waxaa kaloo Dowladda looga fadhiyaa inay isha ku hayso dagaalada u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromad oo dhib weyn geysan kara
Markan hadalka soo uruuriyo, Waxaa horyaallo walaalaheena reer Soomaali Galbeed fursado dahabi ah oo ay ku xaqiijin karaan ahdaaf ay in muddo ah u soo halgamayeen, Kuwaasi oo maanta si fudud loo xaqiijin karo. Waxayna u baahan yihiin oo keliya inay midoobaan oo ay ku dabafeylaan jabhadda ONLF oo ay ahdaafteedu cad cad yihiin, Islamarkaana ay ku jiraan qodobo horseedi kara inay noqdaan dal madaxbanaan sida qodobka aftida oo kale.
Maadaama la dhegeystay shucuubta kala duwan ee Itoobiyaanka sida Oromada oo kale, Waa in markan la dhegeystaa shacabka Soomaali Galbeed oo in muddo ah ku  jiray halgan dheer. Waa in markan laga qaado afti dadweyne, Si loo weydiiyo waxa ay doonayaan. Danbi ma’ahan runtii in shacabkaasi  la weydiiyo waxa ay ka yeelayaan masiirkooda. Maxay uga duwan yihiin Ereteriyaanka iyo South Suudaaniiska oo kale ?!
Ugu danbeyntii, Waxaan u soo jeedinayaa walaalaheyga reer Soomaali Galbeed oo aan aad u jeclahay talooyinka soo socda oo aan rajeynayo inay  qaadan doonaan maadaama aan ahay walaalkood ku ka soo jeeda dhulka Jamhuriyadda ee aragti ahaanna aaminsan aragtida Soomaaliweyn ee qiimaha badan.
1-In ka kala diro dhammaan nidaamkii hore ee uu hogaaminayey Cabdi Iley.
2- In la sameeyo gole siyaasadeed ama maamul KM ah oo uu deegaanku yeesho.
3- In la cafiyo dhamaan dadkii wax ka haleeyey Soomaalida Ogaadeeniya, Iyadoo la midoobayo
4- In ONLF loo daayo wixii wadahadal ah oo lala galayo maamulka cusub ee ay Oromadu horboodeyso.
5- In laga fogaado dagaal dhexmara qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo dhib weyn geysan kara.
6- In la bilaabo kacdoon nabadeed oo lagu dalbanayo in afti laga qaado dadka Soomaalida.
7- Iyo ugu danbeyn in la dhiso gole siyasadeeed oo matala dhamaan Soomaali Galbeed.
W/Q: Maxamed Ibrahim
Iidka1@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid




READ MORE FROM THE SOURCE: Fursado dahabi ah oo hor-yaalla Soomaali Galbeed

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.