Gaas “Dowlad goboleedyada waxaa laga rabaa inay si mug leh ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya”

0
257

Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa jeediyay Khudbad kooban oo u muuqatay mid si wanaagsan looga baaraan dagay.Khudbadiisa ayuu kaga hadlay mahad celin uu u jeedinayo dhamaan dadkii lasoo shaqeeyay shantii sano ee lasoo dhaafay, isaga oo sheegay in bilowga doorashadii looga guuleystay ay aheyd mid si wadajir ah looga shaqeeyay.Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inuu kula dardaarmayo madaxda hadda talada qabatay inay ka shaqeeyaan horumarka deegaanada Puntland islamarkaana laga wada shaqeeyo horumarka guud ahaan ee dalka Soomaaliya.“Dowlad goboleedyada waxaa laga rabaa inay si mug leh ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo waxyaabaha lagu heshiiyay, inteena halkaan joogta ayaa ku matalaya Soomaaliya nooca dalkeena uu noqonayo”“Waxaan joognaa cidna uma maqna ceelna uma qodna, waxaan leeyahay waxaan u baahanahay wadahadal iscafis ah oo dalka lagu badbaadinayo”ayuu yiri Gaas.Ugu dambeyn wuxuu sheegay in isaga uu si dhow ula shaqeyn doono madaxda kala duwan ee Puntland “aniga ma noqon doono madaxweyne Kursiga idinkula fariistee waxaan noqon doonaa oday idinla shaqeeya”ayuu yiri Gaas.Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com




SOURCE: Gaas “Dowlad goboleedyada waxaa laga rabaa inay si mug leh ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.