Galmudug oo heshay xogo dhanka amaanka ah iyo ciidamada oo heegan la geliyay

0
243

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka amniga maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada maamulkooda heegan la galiyay islamarkaana ay diyaar u yihiin dagaal ka dhan ah Al Shabaab.Saadaq Sheikh Yuusuf oo ah wasiirka amniga maamulka Galmudug ayaa cadeeyay in amaanka deegaanada maamulkooda uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana ay hadda u diyaar garoobeen dagaalka ka dhan ah Al Shabaab.Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay inay ka warhayaan dhaqdhaqaaqyo Al Shabaab ay ka wadaan duleedka magaalada Dhuusomareeb, taasi oo keentay inay heegan geliyaan ciidamadooda.Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Galmudug ay qorsheynayaan inay deegaanada ay joogaan Al shabaab ay ku weeraraan, si looga hortago inay soo weeraraan degmada Dhuuusomareeb.Wasiirka Amniga Galmudug ayaa intaa ku daray in qalabka iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidamada ay u qorsheeyeen in duulaan ay ku qaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab loo dhameystiray, kaliyana ay sugayaan amarkii ay ku dhaqaaqi lahaayeen.Dhinaca kale wuxuu sheegay in ciidamada Galmudug ay diyaar yihiin inay difaacaan deegaanada Al Shabaab doonayaan inay weeraraan, maadaama ay heleen xogo dhanka amaanka la xiriira.Wuxuu soo hadal qaaday dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, isaga oo sheegay in dagaaladaasi ay dhibaato ku yihiin maamulka Galmudug.Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com




SOURCE: Galmudug oo heshay xogo dhanka amaanka ah iyo ciidamada oo heegan la geliyay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.