GARSOORE IYO LABA CALAN WADE OO LAGA GANAAXAY KA QAYB GALKA KOOBKA ADUUNKA.

0
124

mudooyinkii ugi dambeeyay Xiriirka kubada cagta caalamka ee magaciisa loo soo gaabiyo FIFA ayaa waxaa ay wadeen Baaritaano dhab ah oo ku aadan musuq maasuq la sheegay in uu sameeyay Gar soore u dhashay dalka Sacuuidiga.

garsoorahaan oo lagu magacaabo Fahad Al-mardasi ayaa waxaa lagu soo eedayay in uu musuq maasuqay koob aad u xiiso badan oo ka socday gudaha dalka sacuudiga.

waa 32 jir in badan shaqadan kusoo gudo jiray waxaase ku cadaatay eedaymaha loo soo jeediyay iyadoona laga mamnuucay in uu dhex dhexaadiyo koobka aduunka.

sidoo kale Gudiga Garsooreyaasha Sacuudiga ayaa waxaa ay  meesha ka saareen in inta noloshiisa ka dhiman uu garsoore ka noqdo gudaha dalkaasi

dhanka kale FIFA ayaa waxaa kale oo ay eryeen laba calan wade oo lagu kala magacaabo Mohammed Al-Abakry iyo Abdulah Al-shalwai.

waxaana naftad ahaatooda la ogaaday in ay musuq maasuq faraha kula jireen.

Fifa ayaa talaabadaan qaaday xili uu si wayn isu gurayo waqtiga uu sida rasmiga ah u furmi doono koobka Dunida oo lagu qabanyo Dalka Russia.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.