GARSOORE MAALIYADA WAYDIISTAY CRISTIANO RONALDO OO FIFA AY GO’AANKA KA QAADATAY.

0
359

Xiriirka kubada cagta adduunka FIFA ayaa si adag uga hadashay eedayntii xiddiga xulka Portugal ee Nordin Amrabat ee ahayd in uu Garsoorihii dhex dhexaadinayay kulankii Morocco iyo Portugal uu Cristiano Ronaldo waydiistay maaliyadiisa kadib dhamaadkii kulanka.
Nordin Amrabat ayaa muran badan abuuray kadib markii uu sheegay in uu garsoore Mark Geiger Daafaca Pep Ka Dalbaday in uu Ronaldo uga soo qaado maaliyadiisa.
Khamiistii, guddiga maamulka kubada cagta adduunka ayaa sii daayay war ay si adag ugu beeninayaaan hadalkii Amrbata.

“Mr.Geiger ayaa si cad u beeniyay eedeymahaas waxan uu sheegay in uuna cidna waydiisan maaliyada”ayay u qoreen warbixintaas.
“FIFA waxay cambaareyneysaa eedeymaha ay sameeyeen xubno ka tirsan xulka Morocco.
“Waxaan xaqiijin karnaa in Mr. Geiger uu u dhaqmay si xirfad leh kadib dhamaadkii ciyaarta”.
 




READ MORE FROM THE SOURCE: GARSOORE MAALIYADA WAYDIISTAY CRISTIANO RONALDO OO FIFA AY GO’AANKA KA QAADATAY.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.