GIANLUIGI BUFFON”WAAN KA TAGAYAA KOOXDAYDA JUVENTUS.

0
159

Gool hayaha Mucjisada ah ee Kooxda Juventus Gianluigi Buffon ayaa waxaa uu ku dhawaaqay hadal ka nixiyay Jamahaarita iyo xidigaha kooxdaasi kaa oo ku aadan in uu soo gaba gabaynayo waayihiisii kooxdaasi Juventus.

Marka uu dhamaado xili ciyaareedkan ayuu sheegay in uu isaga tagi doono kooxda waxaana uusan si rasmi ah u shaacin in uu kabaha iska siibi doono iyo in kale.

Mar uu warbaahinta arintaan kala hadlayay  ayaa waxaa uu hadaladiisa kamid ahaa”Maalinka Sabtida waxaa  uu noqon doonaa maalinka ugu dambeeya ee aan kasoo muuqan doono Garoomada anigoo xiran funaada kooxda Juventus.

“waan ku faraxsanahay inaan u ciyaaray sida ugu wanaagsan ee aan awooda u leeyahay ilaa iyo iminka waxaa taasi ay faa’ido wayn u tahay Aniga iyo Kooxdayda Go’aankan waxa aan Qaatay anigoo dagan waliba aad u faraxsan.

Gianluigi Buffon waxa uu waayo wanaagsan kusoo qaatay Horyaalka Seri A-da wadankaasi Talyaaniga isagoo kasoo muuqday kulankiisii ugu horeeyay 1995tii.

Waxa uu haystaa Record-yo aad u waa wayn isagoona helay inta uu kooxdani ka tirsanaa Bilado aad Qaali u ah.

Gianluigi Buffon waxaa lagu xusuusan doonaa in kooxdiisa uu ka caawiyay in gaarto Guulo aad u waa wayn oo aysan marnaba ilaawi dooni taageereyaasha kooxdan oo xushman gooni ah u haya.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.