Go’aanka odayaasha dhaqanka kadib amarkii ay Al-Shabaab ugu yeereen

0
276

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay Al-Shabaab digniin iyo wargelinta udireen odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee soo xulay ergadii dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa socday kulamo wadatashi ah oo ay yeelanayaan xubno ka tirsan odayaasha loo yeeray.Qaar kamid ah dhaqankaan oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa wajahaya walaac amni oo xoog leh waxayna qaarkood qorsheynayaan in ay dalka si deg deg ah uga baxaan halka kuwa kalane ay qiimeynayaan xaaladda ay ku dambeyn doonto arintaan ka hor mudada loo qabtay.Dad kala duwan oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in aysan huri doonin in dhaqanka ay u tagaan Al-Shabaab islamarkaana ay soo qaataan go’aanadii la soo siiyo balse waxaa u bahaan in laga fikiro maka suur towdaa in ay dhaqan geliyaan?Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa sidoo kale noo sheegay in ay muhiim tahay in dhaqanka ay u tagaan Al-Shabaab si ay u badbaadiyaan naftooda ama ay dalka isaga baxaan balse aysan u furneen waddo kale oo xal amni ah markii laga reebo qadarta Alle.Sidoo kale mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee aan la hadalnay ayaa sidaan u sheegay Caasimada Online. “ma aadi karno mana diidi karno waxaan ku jirnaa xaalad aad u adag, dowlad na garab taaganna uma jeedno.”Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed uma fududa in ay ka baxaan magaalada Muqdisho oo ay aadaan dibadda, sidoo kale uma fududa in ay nabad galyo ugu noolaadaan dalka waxaase ka sii qaraar in ay u tagaan Al-Shabaab oo ay dhaqan geliyaan rabitaankooda oo ah Alle ka fogaansho iyo aduun iyo Aakhiro beel.Halkaan ka daawo arrin xasaasi ah oo lagu eedeeyey FarmaajoCaasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Go’aanka odayaasha dhaqanka kadib amarkii ay Al-Shabaab ugu yeereen

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.