Go’aankii ay DF ku diiday Kenya Airways oo qiimaha dowladnimada muujiyey

0
266

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa markale dib u dhac ku yimi duullimaadyadii tooska ahaa ee ay Kenya Airways ka bilaabi lahayd magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.15-kii bishii hore ayey ahayd in si rasmi ah u bilowdaan duullimaadyada tooska ah ee Kenya Airways isaga kala goosheyso labada dal balse waxaa dib loogu dhigay bishan December shanteea, taasi oo mar kale dhici weyday.Qodobka ugu weyn ee dib u dhigay bilowga duullimaadka diyaaradda Kenya Airways ayaa lagu sheegay in shirkadda ay u qorsheysay in Somalia uga shaqeyso diyaaradda nooceedu yahay Bombardier, oo diyaarad muddo jirtay oo aan tayo fiicneyn.Diyaaradan ma aha mid tayadeedu sarreyso waxaana hore looga sii diiyey wadamo badan oo ay ka mid yihiin Burundi, Djibouti iyo Koonfurta Sudan, balse waxay Kenya Airways rumeysneyd in Soomaaliya aysan jirin cid ka hor-istaageysa.Sababaha ay Kenya ku dooratay diyaaraddan aan lahayn qeybta ganacsiga “Business Class” in ay Soomaaliya u soo dirto ayaa ah qiime jabnaanteeda.Somalia ma lahayn fayo dhawr “Quality Check” balse go’aankan ay ku diiday dowladda Soomaaliya diyaaradda noocaas ah ee bahdilka dalka ku noqon lahayn waxa uu muujiyey wanaagga dowladnimada laga dhaxlo.Dalka waxaa la keeni jiray ama dhici karta in hadaba si hoose lagu keeno badeeco tayadooda xun tahay oo caafimaad xumo keena kara. Sidoo kalena diyaarado qaraab ah loo soo diro.Haddii ay dowladda si buuxda u hirgaliso fayo dhawrka oo dalka burburkii oo dhan ka maqnaa, xaqiiq waxaa hagaagi doona mustaqbalka dalka, waana tallaabo mudan in lasoo dhoweeyo.Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com




SOURCE: Go’aankii ay DF ku diiday Kenya Airways oo qiimaha dowladnimada muujiyey

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.