Golaha Shacabka Oo Laga Codsaday Meelmarinta Sharciga Naafada

0
222

Naafada Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iney meelmariyaan sharciga naafada qaranka.
Guddoomiyaha hay’adda Naafada Qaranka, Cali Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in sharcigan uu yahay mid aad u muhiim ah, islamarkaana dhowaan ay meelmariyeen golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka.
Waxa uu tilmaamay in waqti badan ay geliyeen sidii loo dhisi lahaa hay’adda naafada qaranka oo wax badan u qaban doonto naafada Soomaaliyeed.
Xildhibaannada baarlamaanka ayuu sheegay in dhankooda waajib ka saaran yahay sidii ay sharcigan ku meelmarin lahaayeen.
Halkaan hoose ka dhageyso:


Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Golaha Shacabka Oo Laga Codsaday Meelmarinta Sharciga Naafada

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.