Google oo Soomaaliya u soo bandhigtay mashruuc internetka lagu gaarsiin karo miyiga iyo goobaha fog

0
209

jowhar Somali News Leader
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa booqday Xarunta Dhexe ee Shirkadda Loon oo ah mashruuc la mataano ah Google oo xaruntiisu tahay gobolka California ee dalka Mareykanka.
Maareeyaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Loon ayaa la kulmay madaxda ugu sarreysa Loon oo uu hor kacaayay Maamulaha Alastair Westgarth iyo mas’uuliyiinta waaxyaha sharciyada, horumarinta ganacsiga, iyo hawlgallada, waxayna ka wada hadleen sida Soomaaliya uga faa’iideysan karto farsamadan casriga ah ee internetka lagu gaarsiin karo goobaha fog, iyadoo qeybo badan oo dalkeena ka mid ah weli uusan gaarin adeegga internet-ka.
Maareeyaha ayaa intii halkaasi joogay soo booqday qeybaha kala duwan ee shirkadda, gaar ahaan goobaha lagu farsameeyo qalabkan oo ah mid dul sabbeynaya illaa 10-20 km joog ka sarreeya oogada dhulka oo bixinaya internet xawaarihiisu gaarayo 4G.
Mashruuca Loon [loogu dhawaaqo Luun] waa dadaal ay Google ku dooneyso in internetka lagu gaarsiiyo meelaha aysan gaarin isgaarsiinta caadiga ah, waxayna iskaashi la sameeyaan shirkadaha isgaarsiinta ee adduunka si ay gacan uga geystaan fidinta adeegga internetka.Maareeyaha oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in farsamadan ay muhiim u tahay dalkeena maadaama adeegga internetka uu weli ku kooban yahay magaalooyinka, welina uusan gaarin miyiga fog iyo dhulalka buuraleyda ah ee ku yaalla xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.
Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in mashruucani uusan ahayn mid la tartamaya shirkadaha isgaarsiinta, balse uu yahay mid la shaqeynaya shirkadaha oo u fududeynaya inay adeeg internet gaarsiiyaan meel kasta oo aysan gaari karin xilligan anteenooyinkooda.
Mashruuca Loon oo soo socday 5tii sano ee la soo dhaafay ayaa la hirgeliyay dalal badan oo ay ka mid yihiin Kenya, Puerto Rico, iyo Sri Lanka.

The post Google oo Soomaaliya u soo bandhigtay mashruuc internetka lagu gaarsiin karo miyiga iyo goobaha fog appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Google oo Soomaaliya u soo bandhigtay mashruuc internetka lagu gaarsiin karo miyiga iyo goobaha fog

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.