GOOL HAYAHA XULKA QARANKA ARGENTINA SERGIO ROMERU OO LAGA SAARAY LIISKA XULKAASI KU MATALAYA KOOBKA ADUUNKA.

0
206

Gool hayaha Xulka Qaranka Argentina ee 31 jirka ah Sergio Romeru ayaa lagu soo waramayaa in Gabi ahaanba laga saaray liiska  Ciyaaryahanada Xulkaasi ku matalaya Koobka Aduunka oo dhawaan si rasmi ah uga Bilaaban doona Dalka Rusia.

Gool ilaaliyahan u Ciyaara kooxda Manchester United  ayaa lagu soo waramayaa in uu soo gaaray dhaawac dhanka Jilibka ah taana ay keentay in qiimayn kadib la ogaaday in uusan ka qayb gali Karin Ciyaaraha koobka Aduunka ee Xulkiisa kasoo muuqan doono.

Sergio Romeru ayaa waxaa uu xulkiisa qaranka ku matalay ilaa 94 kulan oo ay ugu dambaysay kulamadii qarankaasi ay ciyaareen 2014-kii waxaana uu haatan kamid ahaa Xidigaha sida wayn loogu tashanayay in kulamada hore lagu soo bilaabi doono.

Waxaa la filayaa in booskiisa ay buuxiyaan Gool haye yaasha kala ah Willy Caballero iyo Franco Armani.

Willy Caballero waxaa xulkiisa qaranka uu matalay laba kulan oo kaliya halka Franco Armani uusan waligii matalin xulkiisa qaranka.

Warar kale oo ay daabacayaan qaar kamid ah warbaahinta Ciyaaraha ayaa waxa ay sheegayaan in Nahuel Guzman  oo shabaqaa u ilaaliya kooxda Tigres loo yeeray si uu booska 3aad ee kaydka u galo.

Xulka Qaranka Argentina ayaa waxaa Xili Ciyaareedkan ay doonayaan hanashada koobka aduunka iyadoo haatan ay qaadanayaan Tababar aad u xoogan.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.