Gool ilaaliyihii Liverpool Danny Ward oo si rasmi ah ugu biiray Leiceter City.

0
263

Kadib markii ay kooxda Liverpool heshiis rekoodh aduun ah kula soo wareegtay goolhayihii kooxda AS Roma ee Alisson Becker ayay kooxda Leicester City ka iibisay goolhayihii saddexaad ee kooxdeeda ee Danny Ward kaas oo ay ka soo xaraysteen qayb muhiim ah oo ka mid ah lacagta ay Alisson kula soo wareegtay.
Kooxda Leicester City ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa goolhayaha ree Wales ee Danny Ward kaas oo hadda si rasmi ah u noqday xidig ka tirsan kooxda Foxes. Leicester City ayaa 25 sano jirkan ka soo bixsay 12 milyan gini taas oo muhiim u ah kooxda Reds.

Liverpool ayaa ayaa haddii dhinac kale laga eego lacagtii Xherdan Shaqiri ee ay kagala soo wareegtay Stoke City si toos ah uga heshay Danny Ward taas oo ah ganacsi wayn oo ay Liverpool samaysay iyada oo haddii kale uu si wayn hoose ugu soo dhigayo qiimihii Alisson.
Danny Ward ayaa kooxda Leicester City u saxiixay qandaraas afar sano ah wuxuuna hadda qayb ka noqonayaa kooxda King Power Stadium. Danny Ward ayaa kulamadii saaxiibtinimo ee dhawaa ka soo muuqday kooxda Klopp laakiin waxa uu siiyay fursada uu Foxes ugu biiiray.
Liverpool ayaa sidoo kale u furan in ay aqbasho dalabyada lagu doonayo goolhaye Mignolet taas oo suurtogal ka dhigi karta in kooxda Jurgen Klopp ay lacago badan kala soo bixi karto laba goolhaye oo aan kooxdeeda muhiimad ku lahayn si ay qiimaha Alisson ee rekoodhka ahaa hoos ugu dhigto.
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa waqtiyada soo socda iibin karta xidigo kale oo aan muhiim ka ahayn qorshaha Jurgen Klopp ee xili ciyaareedka cusub halka kuwo kale amaah lagu diri doono.




READ MORE FROM THE SOURCE: Gool ilaaliyihii Liverpool Danny Ward oo si rasmi ah ugu biiray Leiceter City.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.