Goolhayaha Kooxda Atletico Madrid Jan Oblak Oo Diiday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Kooxdiisa & Liverpool Oo Sabab U Ah.

0
60

Goolhayaha Kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga Laakiin waxa uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Atletico Madrid.
Goolhayaha reerSlovenia ayaa shaki la,aan haatan ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican adduunka waxana ay kooxda uu hogaamiyo tababare Diego Simone doonaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato.

Laakiin dhibaatada ayaa ah in uuna doonayn in uu heshiis cusub u saxiixa inkasta oo ayna mushaharkiisu sabab u ahayn.
ilo Wareedyo ku dhaw goolhayaha ayaa wargayska As U sheegay in uu Goolhayuhu caaminsan in ay kooxdu hoos u dhigtay markii ugu dambeeyay ee uu heshiis cusub saxiixay.
Taas ayaa timid bishii February sanadkii 2016 iyaga oo lacagta lagu bur-burin karo kor ugu qaaday 100 milyan halkii uu markii hore ahaa 45 milyan oo euro taas oo wakhtigaas Liverpool ka hor istaagtay in ay u dhaqaaqdo adeegiisa.
Arintaas ayaa xiddiga ka dhigtay mid niyad jabsan wax deg-deg ahna haatan uguma jiro in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Atletico Madrid.
ilo wareedyo Spain ah ayaa sidoo kale sheegaya in tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp uu doonayay Oblak laakiin dantu ku qasabtay in uu u dhaqaaqo goolhayaha Roma ee Alisson.
 




SOURCE: Goolhayaha Kooxda Atletico Madrid Jan Oblak Oo Diiday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Kooxdiisa & Liverpool Oo Sabab U Ah.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.