GOOLYAHII KOOBKA CHAMPIONS LEAGE DHAAFIYAY LIVERPOOL OO KA HADLAY SIDA AY WAX U DHACEEN.

0
201

Gool hayihii xalay u joogay kooxda Liverpool Loris Kirius ayaa waxaa uu ka warbixiyay sida ay u dhaceen qaladaadkii uu ka sameeyay kulankii Finalka ahaa ee ay la qaateen kooxda Real Madrid.

Markii uu kulanka soo idlaaday ayuu warbaahinta la hadlay waxaana uu hoosta xariiqay sida waxa jira.

“Ma aaqaano waxa dhacay waxaan si xoogan kaga raali gelinayaa asxaabtayda kadib guul daradii naga soo gaatay Finalka Champions Leage.

Shabaq ilaaliyahan reer Germany ayaa waxaa sidoo kale si cad u yiri”waxba ma dareemayo Hadda waxaan caawa sabab Buuxda u noqday guul daradii kooxdayda’waana ka xumahay wax walba waxaana ka raali gelinayaa qof walba sababtoo ah waa qaali qaladaadkeena hadalkaan ayuu ku sheegay waraysi uu siiyay (Took Sport)

“Hadii aan dib usoo celin karayay waqtiga waan samayn lahaa,waxaan ka xumahay kooxda waa xaalad Adag,sababtoo ah tani waa nolosha Gool haye kasta,waa inaad madaxdaada sare u qaadaa markale,waxa ugu fudud ayaa ah in goolashaan ay sabab u noqdeen inaan lumino Koobka Champions Leage.

Gool hayaan waxaa uu la kulmay dhaleeceen aad u kulul maadaama qaladaad uu sameeyay ay goolal ku dhasheen koobkana looga qaaday.

Loris Kirius waa nin aad ugu wanaagsan dhinaca gool ilaalinta balse xalay waxaaa muuqatay in dhibaato aad u wayn uu dhexda uga jiray taa oo aysan dad badan filanayn.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.