GOORTA TIJAABADA CAAFIKAAD UU LIVERPOOL U MARAYO NABIL FEKIR OO LA SHAACIYAY.

0
189

Mudooyinkaankan Liverpool si wayn ayaa loolaa xiriirinayay xidiga kooxda Lyon Nabil Fekir iyadoona wararkii ugu dambeeyay ee ay daabaceen warbaahinada qaar lagu sheegay in xidigan sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gaba gabaynayo heshiiskiisa cusub.

Tababare Jurgen Klopp ayaa aad ula dhacsan xidigan iyo qaab ciyaareedkiisa iyadoona wali xidigan la sheegayo inaysan jirin koox kale oo kaga dhaw saxiixiisa Reds.

Warbixin lagu qoray wargayska France Football ayaa waxaa lagu xaqiijiyay Nabil Fekir iyo walaalkii in ay maalinka axada ah ee soo socota gaari doonaan magaalada liverpool si Nabil uu u saxiixo qandaraaskiisa cusub ee liverpool isla maalinkaas ayaa lagu wadaa in uu tijaabada caafimaad uu maro.

Waa guul kale uu gaari doono Jurgen Klopp maadaama xidigan uu noqon doono saxiixiisa labaad ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.