Goormaa ayuu Sacuudigu same noo sameeyay?.!!

0
284

HORDHAC
Dhawaan waxaa xumaaday xiriirka diblomaasiyadeed ee wadamada Saudi Arabia iyo Canada kadib markii dowladda S.Arabia ka carootay hadal kasoo yeeray dowladda Canada kaas oo ku aadanaa in Canada ay ka xuntahay dad u dooda xuquul aadanaha oo xarig loogu gaystay S.Arabia. Dowladda Sacuudigu waxay amartay in dalkeeda uu 24 saac uga baxo safiirka Canada iyadoo sidoo kale joojisay dhamman wixii ganacsi kala dhexeeyay Canada,waxaana ugu danbayntii arrintu gaartay in S.Arabia hakiso duulimaadyadii tooska ahaa ee S.Airline ay ku tagi jirtay Toronto. Dowladda Canada waxay ku adkaysatay hadalkii horay ay u sheegtay, waxayna ku dhawaaqday in dhankeeda ay tallabo qaadi doonto iyadoo laga cabsi qabo in arrintaan ay saaamayn ku yeelato ardayda S.Arabia u dhashay ee Canada wax ku barta iyo kuwa magangalyada-siyaasadeed ugu nool dalkaan.
SOMALIDA IYO SACUUDIGA KADIB BUR BURKII DOWLADDII DHEXE EE SOMALIYA. 
Burburkii dowladdii dhexe ee Somaliya kadib dadka Somaaliyeed waxay kala barteen dowladaha daneeya wanaagga Somaliya iyo kuwa jillaafeeya. Kumanaan qaxooti Somaaliyeed ah ayaa dantu ku kalliftay in ay u cararaan dibadaha si ay u helaan noolal dhaanta midda markaas ay ku jireen. Somalida timid S.Arabia waxay la kulmeen noolal ka liidata midda Somalida timid Canada ay la kulmeen. Waxaa qaar badan oo ka mid ah ku seexdaan kuna soo toosaan wal wal iyo walbahaar kadib arrimo la xiriira xagga sharciyadda. Waxaa inta badan dhacda in S.Arabia ay masaafuriso dadka Somaaliyeed iyadoo laga yaabo in goobta markaas lagu celinayo ama la gaynayo ay ka jirto nabad galayo xumo taas oo dhaawac ku ah xuquul aadanaha. S.Arbia waxay markay doonto furtaa markay doontana xirtaa xoolaha Somaliya oo ay ku tiirsanyihiin malaayiin Somaaliyeed. Maanta in badan oo shacabka Somaaliyeed ah waxaa niyadooda ka guuxaya “Abaal badha, abaal bura, abaal bur iyo dheeraad ah Ninba kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni”. Su,aasha aan had iyo goor is waydiiyo ayaa ah haddii xilliyadii adkaa ee nasoo maray sidaas ay noola tacaamushay dowladda Sacuudigu goorma ayaa Sacuudigu Same noo Sameeyay?
MOWQIFKA DOWLADDA FEDERAALKA SOMALIYA
Dowlad kasta oo jirta waxay wakiil ka tahay shacabka waxayna marwalba eegta meesha maslaxadu ugu jirto dalka iyo dadka ay wakiilka ka tahay. Waxay ku fiicnayd in dowladda Somaliya ay  fiiriso kana fakarto dadka iyo dalka maslaxada u haya dadka Somaaliyeed. Canada majiro farqi u dhexeeya qofka labaatan qarni ku noolaa iyo midka labada maalmood jooga. Waxaa Somalidu qabtaan shaqo la qabto midda ugu sarraysa iyo midda ugu hoosaysa, waxayna ku xiran tahay qof walba iyo dadaalkiisa iyo meesha uu is dhigo. Inkastoo dal kasta u madax banaan yahay arrimiisa hadana go,aanka dowladda waa mid aan aamisanahay inuu ku jiro deg deg iyo ka fiirsasho la,aan, waa mid aan isleeyahay wuxuu u baahanyahay in dib loo eego, waa mid naxdin galiyay malaayiin Somaaliyeed oo soo dhawayn wanaagsan iyo hab dhaqan fiican kala kulmay dowladda Canada.
GUNANAD.
Dowladda Somaliyeed waxaan kula talin lahaa in ay il gaar ah ku eegto Dalalka soo dhawaynta wanaagsan u muujiya dadka Somaliyeed iyo in go,aan kasta oo gaarayso uu ahaado mid la lafa guray oo dhinacyo badan laga eegay.
Mahadsanidiin,
Duran Xasan-yare Aw-Aden
Edmonton, Canada
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid




READ MORE FROM THE SOURCE: Goormaa ayuu Sacuudigu same noo sameeyay?.!!

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.