Goormaa La Dheelindoonaa Somali Super Cup

0
251

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa soo saaray waqtiga la ciyaaridoono Somali Super 2018 waxaana ku hardamaya kooxaha Dekedda iyo Muqdisho City Club oo horay la oran jiray Banaadir SC ka hor 25-November 2018.
Koobka Somali Super waxaa wada dheela kooxaha kusoo kala guulaysta tartamada horyaalka Somali Premier League iyo koobka Jeneraal Daa’uud waxaa la ciyaaridoonaa maalinta arbacada ee fooda inagu soo haysa.
09-May 2018-Kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa ku gulaystay horyaalka Somali Premier League oo markii kowaad laga dhaqan geliyay dalka waxayna sidoo kale ku hanteyn markii labaad oo xariir ah waxaana u qaaday tababare Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali).
18-October 2018-Kooxda Mqudisho City ayaa ku guulaystay koobka sanadaha ah ee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse waxayna ka qaaday xidigaha Horseed,balse magaca ahaan waxa ay ku hanteyn Banadir Sports Club.
 25-November 2018-Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda hoose xamar ama Muqdisho aCity Club oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo sanadihii lasoo dhaafay hanatay koobka weyn ee gudaha.
Kooxda Dekedda ayaa markii kowaad magaca dowladda hoose ee Muqdisho City Club kula dheelaysa ciyaar fiinal ah tan iyo markii ay la wareegeyn maamulka Gobolka Banaadir,balse horay waxa ay ku wajhday magaca Banaadir SC.
22-Janaayo 2019- Kooxda kubbadda Cagta Heegan ayaa koob lagu xusayay allaha U naxariistee Wariye Cawil Daahir Salaad waxa ay ka qaadeen dhigooda Muqdisho City Club waana fursadii labaad labo todobaad gudahooda ay kulan ka dambeys ciyaaraan xidiga naadiga dowladda hoose,balse iminka waxa ay ku rajo weyn yihiin in ay hantaan koobkoodii ugu horeeyay tan iyo markii ay qaateen magaca caasimada dhamaadka Bishii November 2018.
Si kastaba waxaa iminka socda diyaar garowka kulanka Somi Super Cup waxaana kooxdii qaada ay helaysaa koobka aad u qurux badan ay ugu tala-galeen shirka Hormuud telecom.




SOURCE: Goormaa La Dheelindoonaa Somali Super Cup

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.