GRAEME SOUNESS”WAXAA II MUUQANAYSA IN LIVERPOOL KU GUULAYSAN KARTO CAAWA CHAMPIONS LEAGE.

0
136

Halyeeygii hore ee kooxda Liverpool graeme souness ayaa waxaa uu soo bandhigay fikirkiisa ku aadan sida uu u arko ciyaarta finalka ah ee caawa dhexmari doonta kooxdiisii hore ee Liverpool iyo Naadiga Reer Spain  Real Madrid.

Mr. souness ayaa waxa uu ku dhiiraday in kooxdiisa ay ku guulaysan karto koobkaan aadka u wayn isagoona soo bandhigay dhowr tusaale oo ay Reds ku xaqiijin karto Hanashada Champions Leage.

Waxaa uu sheegay in nasiibka kubada cagta uu Real Madrid u saamaxay in ay soo gaaraan Ciyaarta kama dambaysta ah ee Chamions Leage ayna kooxdiisa ku guulayan karto hadii bilaawga ciyaarta shabaqa soo taabato.

Mar uu si faah faahsan uga hadlayay arintaan ayaa waxaa hadaladiisa”Uma malaynayo in kooxda Real Madrid ay tahay mid gaar ah,waxa ay ahaayeen kuwo nasiib badan labadii Final ee ay xaqiijiyeen ku guulaysiga Champions Leage,waayo  waxaa ka wanaagsanayd kooxda Bayern Mucih labadii lugood ee wareega afar dhamaadka.

Halyeeygaan oo kasoo jeeda dalka Scotland  ayaa waxaa uu sidoo kale qabaa fikir ku aadan”Waxaan qabaa Fikir ku aadan in kooxdayda Liverpool ay klu guulaysan karto Koobka Chamions Leage,inkastoo xidigaha kooxda Real Madrid ay Garoonka kusoo Gali doonaan Kalsooni wayn,maxaa yeelay sanadihii ugu dambeeyay Dhowr jeer ayay kusoo guulaysteen Tartanka Kooxaha Yurup ee Chamions Leage.

graeme souness waxaa uu kamid yahay  Halyeeyada sida wayn u aaminsan in garoonka ku yaala Caasimada Kiev ay kooxda Reds kala soo hoyan doonto Guul aad u wayn balse la arki doonee halka ay xaalada ku biyo shubato.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.