Guddida Dacwadaha Cashuuraha: Xubnaha Guddida- Hargeisa, Somaliland

0
3198

Jamhuuriyadda Somaliland
Wasaarada Horumarinta Maaliyada

Hordhac:

Wasaarada Horumarinta Maaliyadu iyada oo fulinaysa waajibaadkeeda sharci ee ku xusan Qodobka  209aad ee Xeerka Cashuuraha Beriga Somaliland (XeerLr. 72/2016), waxa ay doonaysaa in ay dhisto Guddida Dacwadaha Cashuuraha. Sidaadarteed, waxa ay baahinaysaashan boos oo ah Xubnaha Guddida.

Shuruudaha Qofka loo Qaadanayo Xubin ka Tirsan Guddida Dacwadaha Cashuuraha:

 

Waa in uu leeyahay waayo aragnimo ugu yaraan ah 6 sanno oo uu ku shaqeeyay garsoore, xeer-ilaaliye, qareen, bare jaamacadeed, ama waa in uu ahaa sargaalku shaqo leh xisaabaad, maamul maaliyadeed, cashuur iwm;
Waa in uu leeyahay aqoon xisaabeed, maaliyadeed,cashuuraha iyo sharciga;
Waa in hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kusaabsan anshaxa;
Waa in bulshada dhexdeeda ku leeyahay sumcad iyo dhaqan wanaag;
Waa in aanu ka tirsanayn xisbiyada siyaasada kana madaxbanaan yahay,
Waa in aanu wax dan ah kulahayn shirkadaha ama cashuur bixiyayaasha waaweyn;
Waa in aanu ahayn shaqaale dawladeed, xubnaha ciidamada qaranka ama garsoorka;
Waa in uu yahay muwaadin lagu yaqaan dal jacayl, “patriotic”;

 

Habraaca Codsiga:

Ciddii danaynaysa ee buuxisa shuruudaha sare ku xusan waxa ay codsigooda oo ay weheliso sooyaalkiisa waxbarasho iyo shaqo (CV) uu u soodiraa emailka hoos ku qoran, inta ka horeysa 08 bisha January 2020, wixii faah-faahin ah ee intaa dheer kala soo xidhiidhTel: 063-4246813, Email: soulahussien@gmail.com.
 




SOURCE: Guddida Dacwadaha Cashuuraha: Xubnaha Guddida- Hargeisa, Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.