Guddiga Doorashada Jubbaland oo soo saaray Shuruudaha iyo musharaxa DF oo la cunaqabateeyey

0
44

Kismaayo (Caasimadda Online) – Guddiga Doorashada iyo xuduudaha ee dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta shaaciyay Jaantuska isdiiwaangelinta iyo shuruudaha doorashada Madaxweynaha.Warqadaha ka soo baxay Guddiga ayey ku sheegeen in isdiiwaangelinta musharrixiinta ka billaabaneyso maanta oo Khamiis ah kuna egtahay maalinta Sabtiga ah.Shuruudaha Musharrixiinta ayey sidoo kale shaaciyeen Guddiga waxaana ka mid ah bixinta lacag gaareysa $30,000 (Soddon kun) oo doollar.Sidoo kale waxaa shuruudaha ka mid ah musharrixiinta Haweenka ah in ay bixinayaan $15,000 (shan iyo toban kun) oo doollarka Mareykanka ah.Qodobada kale ayaa waxaa ka mid ah warqadaha dambi la’aanta, sawirro teesare ah iyo qorshaha musharraxa.Sidoo kale qodobada waxaa ku jiro inuusan isisoo sharixi karin musharax qabo naag ajnabi ah, waxaana la rumeysan yahay in qodobkaan lagu xakameenayo musharaxa Dowladda ay wadato Oomaar oo la sheegay inuu qabo xaas Ajnabi ah.Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo  Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Guddiga Doorashada Jubbaland oo soo saaray Shuruudaha iyo musharaxa DF oo la cunaqabateeyey

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.