Guddoomiyaha Aqalka Sare oo khudbad ka jeediyay Shirka Baarlamaanada Adduunka

0
248

jowhar Somali News Leader
Shirkii Madasha Baarlamaanada Adduunka ayaa lagu soo geba-gebeeyay magaalada Moscow ee caasimadda Dalka Ruushka,ayadoo shirka intuu socday lagu falanqeeyey doorka Xeer-dejiyeyaasha Adduunka ay ka qaadan karaan xal u helidda mashaakilaadka adduunka haysta.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo hoggaaminayey ergada Soomaaliyeed ayaa shirka inta uu socday ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimaha muhiimka ah ee ay tahay in lagu xaliyo Madasha Baarlamaanada Aduunka,taasi oo si weyn loo gorfeyeey intii uu socday shirkaasi.
Ergada Soomaaliyeed waxaa ay sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeesheen Guddoonada Labad Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka,ayadoo ay labada dhinac isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal,gaar ahaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Ruushka.
Gabagabadii shirka waxaa ka hadlay Madaxweynaha Ruushka Fladamir Butin oo sheegey muhiimada iyo doorka Baarlamaanada Adduunka ee xalinta dhibaatooyinka jira.
The post Guddoomiyaha Aqalka Sare oo khudbad ka jeediyay Shirka Baarlamaanada Adduunka appeared first on Jowhar.




SOURCE: Guddoomiyaha Aqalka Sare oo khudbad ka jeediyay Shirka Baarlamaanada Adduunka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.