Guddoomiyaha G/Banaadir oo sheegay in khasaare fara badan uu ka dhashay qaraxii weynaa ee saaka

0
35

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in qarax weyn oo saaka ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ay ka dhalatay dhimasho fara badan.

Guddoomiyaha oo tagay goobta ayaa sheegay in aan weli la heyn tirada rasmiga ah, balse aanay tirada yareyn oo dhimashada ay aad u badan tahay, isagoo intaa ku daray in dhaawaca loo soo sheegay inay gaarayaan 90 ruux.

“Qarax weyn oo gaari xamuul ah ayaa saaka isku qarxiyay isgoyska Ex koontarool Afgooye, dhimashada waa badan tahay, waxa uu khasaaraha ugu badan soo gaaray ardayda u socotay dugsiyada iyo jaamacadaha, tirada ugu badan waxay soo gaartay ardayda jaamacadda banaadir”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Waxaa la soo sheegayaa in khasaaruhu uu aad u badan yahay, isla markaana Xildhibaano qaar ay sheegayaan in illaa 100 ka badan tahay dhimashada.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa aheyd meel aad u mashquul ah oo gaadiid fara badan ku kala wareegaan, waxaana qaraxa xajmigiisa ahaa mid wada saameeyay Isgoyska Ex Koontarool guryihii iyo goobihii ganacsiga ku yaallay.

https://connect.facebook.net/fr_FR/sdk.js#xfbml=1&version=v5.0Daawo Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii Saaka ka dhacay Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo tagay Goobta qaraxii Ismiidaaminta ahaa uu Saakay ka dhacay ayaa faah-faahiyey Qasaaraha guud ee Qaraxii dhacay.Daawo Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii Saaka ka dhacay Muqdisho.Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo tagay Goobta qaraxii Ismiidaaminta ahaa uu Saakay ka dhacay ayaa faah-faahiyey Qasaaraha guud ee Qaraxii dhacay.https://youtu.be/oC11Yk-ZfwUPubliée par Dalsan TV sur Samedi 28 décembre 2019





SOURCE: Guddoomiyaha G/Banaadir oo sheegay in khasaare fara badan uu ka dhashay qaraxii weynaa ee saaka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.