Guddoomiyaha Golaha Hoggaaminta Habargedir oo maanta lagu caleemasaaray Muqdisho

0
27

Munaasabadda caleemasaarka guddoomiyaha golaha hoggaaminta Habargidir Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac oo ay ka qaybgaleen Ugaasyo, Isimo, Garaaddo, Wabarro, Malaaqyo, Cuqaal, Waxgarad, Culimo, Haween iyo Siyaasiyiin ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.
Marti lagu qiyaasay 2000 oo qof oo laga casuumay 5ta Soomaaliyeed ayaa ka qaybgalay munaasabadda caleemasaarka guddoomiyaha golaha hoggaaminta Habargidir Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac.
Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur ugaaska Beesha Cayr oo kulanka kahadlay ayaa sheegay in ujeedada dhisidda iyo caleemasaarka golaha hoggaaminta Habargidir ay tahay in Habargidir horseeddo is cafin iyo heshiis dhexdeeda ah kaddibna ay la heshiiso beelaha iyo qabaa’ilka kale ee la deggan iyo guud ahaan Beelaha Soomaaliyeed ee wax kaa gaareen intii u socday dagaalka sokeeye, Ugaas Xasan ayaa ka qaybgalayaasha shirka u sheegay in beel ahaan ay is cafiyeen islamarkaana heshiiyeen sidaas awgeedna ay si wadair ah u cafinayaan dhammaan beelaha kale ayna dalbanayaan cafis guud.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo lagu maamuusay in uu furo shirka ayaa soo dhoweeyey caleemasaarka guddoomiyaha golaha hoggaaminta Habargidir Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac, isaga oo ku tilmaamay tallaabo dhinaca horumarka iyo nabadda loo qaaday.
Salaadiinta ka qaybgashay caleemaasaarka guddoomiyaha golaha hoggaaminta Habargidir oo uu ka mid ahaa Suldaan Mustafe Maxamuud Aw-seed ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay midowga, heshiiska iyo sameysashashada beesha Habargidir ee golaha hoggaaminta Habargidir, waxa uuna u rajeeyey Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac in rabbi xilka la garabgalo
Garaad Kulmiye Wiilwaal oo ah garaadka guud ee Absame oo kamid ah hoggaamiye-dhaqameedka lagu casuumay Munaasabadda Caleema-saarka ayaa tibaaxay sida uu ugu faraxsan yahay curinta iyo hirgelinta aragtida dhab u heshiinta ee ay Habargidir ka bilowday dhexdeeda ayna u dan leedahay in ay beelaha kale ee Soomaaliyeed la wadaagto, waxa uu sheegay Garaad Wiilwaal in maanta aan loo baahnanyn dagaal lana joogin xilli dagaal sidaas awgeed waxa uu ku ammaanay golaha hoggaaminta Habargidir iyo guddoomiye Prof Shirwac kaalinta ay ka qaadanayaan nabadeynta Waddanka.
Guddoomiyaha golaha hoggaaminta Habargidir Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac oo kahadlay munaasabadda ayaa yiri: “Ujeeddada golaha hoggaaminta Habargidir waa in Habargidir dhexdeeda ka heshiiso kaddibna la heshiiso Qabaailka kale Soomaaliyeed si halkaas looga sii gudbo Nabad iyo wada noolaansho.
Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac ayaa ka hadlay Maqaamka iyo heerka siyaasadeed ee Gobolka Banaadir isaga oo sheegay in kaddib markii gobolka Banaadir laga jaray Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe uu soo istaagay meel cidlo ah kaddibna uu noqday meel maamuladu ku ololeeyaan ama ku sameystaan olole siyaasadeed isaga oo taas ku tilmaamay in aanay suuragal ahayn.
Prof Shirwac ayaa ka jeediyey munaasabadda Farriin uga timid Degmada Hobyo ee gobolka Mudug taas oo ahayd in Dekedda Hobyo diyaar u tahay maalgashi islamarkaana aan laga xigin dadka Soomaaliyeed, sidaas awgeedna ay ugu baaqayaan dadka Soomaaliyeed in ay kawada qaybqaataan.
Madax-dhaqameedka kaqaybgalay Caleema-saarka ayaa kadalbaday golaha hoggaaminta Habargidir in howshiisa ugu horreysa uu ka billaabo xal u raadinta collaadda gobolka Mudug, iyada oo qaarkood ay sheegeen in ay tahay imtixaan iyo tijaabo lagu ogaan doono waxtarka iyo waxqabadka golaha.
Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac ayaa u mahadceliyey dhammaan madax-dhaqameedkii ka qaybgalay Caleemasaarka, isaga oo uga mahadceliyey kaalinta ay ka qaateen iyo waqtiga ay u soo hureen kaqaybgalka Munaasabadda.
Magacyada madax-dhaqameedka kaqyabgalay Caleemsaarka
1. Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur ugaaska Beesha Cayr
2. Suldaan Mustafe Maxamuud Aw-seed
3. Garaad Kulmiye Wiilwaal garaadka guud ee Absame
4. Ugaas Cali Ugaas: Ugaaska Hawiyaha dega Soomaaligalbeed
5. Maxamed Cali: Wakiilka Ugaaska Ciise, Ugaas Mustafa Maxamed Ibraahin.
6. Cali kucaasha Ugaas: Wakiilka Ugaaska gabarbeersi (Dirirdhaba)
7. Garaad Cali garaad Abshir (Laascaano-Sool)
8. Suldaan Cabdiqani Qorane ( Puntland)
9. Suldaan Subeyr, Suldaanka beesha Leylkase
10. Suldaan Cabdullaahi Abuukar ( Puntland)
16. Ugaas Axmed Barre, Ugaaska Sede -Marreexaan
17. Malaaq ku hadlay dhaqanka KGS
18. Boqorka Jarreerweyne
19. Ugaas Maxamed Bashiir Ugaaska Madhibaan ( Maxamed Gorgaarte ) .
20. Cumar Xaaji, Wakiilka Ugaaska Murusade
21. Wakiilka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif (Xawaadle)
22. Ugaas Maxamed Guudle, Ugaaska Shiikhaal
23. Ugaas Cali Ugaas- Wakiilka Imaamka Abgaal Cismaan
24. Ugaas Cabdulaahi Barrow- Ugaaska garjente Samaale.

                #td_uid_1_5defc4a7c76b6  .td-doubleSlider-2 .td-item1 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/12/FB_IMG_1575989919866-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5defc4a7c76b6  .td-doubleSlider-2 .td-item2 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/12/FB_IMG_1575989922542-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5defc4a7c76b6  .td-doubleSlider-2 .td-item3 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/12/FB_IMG_1575989925510-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5defc4a7c76b6  .td-doubleSlider-2 .td-item4 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/12/FB_IMG_1575989939216-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5defc4a7c76b6  .td-doubleSlider-2 .td-item5 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/12/FB_IMG_1575989955843-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5defc4a7c76b6  .td-doubleSlider-2 .td-item6 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/12/FB_IMG_1575989959480-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }
                #td_uid_1_5defc4a7c76b6  .td-doubleSlider-2 .td-item7 {
                    background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/12/FB_IMG_1575990006265-80x60.jpg) 0 0 no-repeat;
                }





                       Caleemasaarka Guddoomiyaha Beelaha Habargidir


                            1 of 7

The post Guddoomiyaha Golaha Hoggaaminta Habargedir oo maanta lagu caleemasaaray Muqdisho appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Guddoomiyaha Golaha Hoggaaminta Habargedir oo maanta lagu caleemasaaray Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.