|

Guddoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay xarun degmo ay Al-Shabaab qarxiyeen

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhiggay xarunta degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley), halkaasoo bishii May ee sanadkii hore 2019 ay Qarax ka geysteen Al-Shabaab.

Xarunta degmada ayaa waxaa ka muuqday burbur ka soo gaaray qarax loo adeegsaday gaari oo isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta, waxaana gebi ahaanba burbur ku yimid xafiisyada iyo dhismayaashi uu ka koobnaa.

Guddooomiye Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhis ballaaran lagu sameyn doono Xarunta Degmada, si loo dardargeliyo adeega shacabka ku nool Degmada Warta Nabadda ,isaga oo baaq u diray Shacabka kunool Caasimadda in ay kaalin weyn ka qaataan horumarinta Caasimadda, Amniga iyo isdhexgalka bulshada.

Xarunta degmada Warta Nabadda ayaa la qarxiyay 14 May ee sanadkii hore 2019, waxaana ay ka mid aheyd xarumo degmo oo dhowr ah oo ay qarxiyeen Al-Shabaab.

The post Guddoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay xarun degmo ay Al-Shabaab qarxiyeen appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Guddoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay xarun degmo ay Al-Shabaab qarxiyeen

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application