|

Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen deegaan ka tirsan degmada Balcad oo la diley

Wararka ka imanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Cadayga ee ka tirsan degmada Balcad ee ayaa xalay lagu diley deegaankaas.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dabley hubeysan ay xalay ka kaxeysteen guddoomiyaha tuulada Cadeyga Cabdulle Xasan Xaaji iyo ku xigeenkiisii Cilmi Qooje Xasan tuulada kadibna ay ku toogteen duleedka deegaankaas.
Dadka ku nool deegaanka Cadeyga oo ku dhow deegaanka Qalimow ayaa aad uga naxay falkan lagu diley guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenka deegaankaas.
Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysay dilka guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, mana jirto war ka soo baxay maamulka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
The post Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen deegaan ka tirsan degmada Balcad oo la diley appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen deegaan ka tirsan degmada Balcad oo la diley

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application