Guddooomiyihii degmada Howlwadaag oo xilkii laga qaaday

0
342

Muqdisho (Caasimada Online)-  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir C/kariin Cali Kaar oo horey saxaafada uga shaqeyn jiray.Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiye C/raxmaan Yariisow uu xilkaasi u magacaabay ruux kamid ah shaqaalaha gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Mahad Cabdi Caraale.Mahad Caraale, ayaa sanadihii u dambeeyay kamid ahaa shaqaalaha gobolka Banaadir, waana ruux dhalinyaro ah oo firfircoon.Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horey xilalka uga qaaday guddoomiyaashii Degmooyinka Daayniile, Shangaani iyo Waaberi, waxaana degmooyinka qaar wali haya guddoomiyaashii la shaqeyn jiray Thaabid Cabdi.Guddoomiye kasta oo loo soo magacaabo Gobolka Banaadir ayaa xilalka ka qaado Guddoomiyaashii hore degmooyinka u hayey wuxuuna meesha keensadaan Guddoomiye ay saaxiibo yihiin.Tan iyo markii Yariisow Xilkaan loo magacaabay wuxuu xilkii ka qaaday dhawr guddoomiye iyadoo aan mararka qaar la xusin sababta xilka looga qaado iyo dambiga ay galeen.Caasimada Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Guddooomiyihii degmada Howlwadaag oo xilkii laga qaaday

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.