GUDIGA GARSOOREYAASHA TALYAANIGA OO KU DHAGAN GAROORIHII LAYLIYAY JUVENTUS IYO INTER MILAN.

0
171

Gudiga Garsooreyaasha Talyaaniga oo magacooda loo soo gaabiyo AIA ayaa todobaadkii 2aad waxaa aysan soo xulan garsoorihii dhex dheexdiyay kulankiii dhexmaray kooxdaha Juventus iyo Intermilan kadib markii la ogaaday in si aan wanaagsanayn uu u maareeyay qaladaadkii ka dhacay kulankaasi xiisaha lahaa.

Garsoorahan oo lagu magacaabo Daniele Orsato ayaa waxaa uu wajahayaa cadaadis aad u ba’aan kaa oo ilaa haatan aan si rasmi ah loo shaacin ganaaxa uu mudan karo.

Daniele ayaa waxaa uu lakulmay dhaleecayn aad u xoogan kadib markii kaarka casaanka ah uu siiyay Vecino, halka uu kaarka digniinta ah siin waayay pjanic oo la wada arkayay qalad cad oo uu sameeyay balse dad badan ayaa u arkay in uusan dhex dhexaad ahan Garsoore Daniele Orsato.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.