Gudoomiye waaxedyo looga shakiyey Shabaabnimo oo lagu xiray Jilicow + Magacyada

0
103

Muqdisho (Caasimadda Onine) –Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in ku dhawaad 30 cisho ay magaalada Muqdisho xabsi ku yaala ay ku xiran yihiin masuuliyiin ka tirsanaa Maamulka Degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir kuwaas oo dhawaan xilkii laga qaaday.
Guddoomiye waaxeedyadan ayaa la sheegay in markii xilalka laga qaaday ay u hanjabeen xubno lagu bedelay boosaskooda, kadibna ay dhacday in mid ka mida xubnihii loo hanjabay toogasho lagu dilay intii lagu dhex jiray bishii Ramadaan, iyadoo weerarkaasi uu ahaa mid xoog leh kadib markii gaari uu la socday loo adeegsaday Qoriga RPG ee Baasuukaha.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in 5 Guddoomiye Waaxeedyo ay ku jiraan xabsiga Godka Jilacow oo ay maamusho Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya la sheegay in loo xiray sababo amni sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Gobalka Banaadir.
Warbaahinta ayaa heshay Magacayada iyo Waaxyaha ay qaabilsanaayeen Masuuliyiinta ee ka tirsanaa Maamulka Degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir kuwaas oo la xiray Intii lagu guda jiray Bishii Ramadaan, waxaana lagu kala magacaabaa.

C/kariin Sii Cali Guddoomiyaha Waaxda 1-aad ee Heegan
Cabdi Haajir Guddoomiyaha Waaxda Labaad ee Horseed.
Saalax Cumar Xaayow Guddoomiyaha Waaxda Saddaxaad ee Juungal
Cabdi Mahad Xasan Sangaab Guddoomiyaha Waaxda Shanaad ee ee 1-ada Luulyo
iyo Faarax Caddaani Maxamed Guddoomiyaha Waaxda Lixaad ee Tawakal.

Hal Guddoomiye waaxeed ayaa la sheegay inuusan xirneen kaas oo lagu magacaabo Siid Cali Xasan Cilmi waana Guddoomiyaha Waaxda Afaraad ee Towfiiq, masuuliyiinta la xiray ayaa la sheegay iney ku socoto Baaritaan kadib markii looga shakiyay iney u hanjabeen Guddoomiye Waaxeedyo kale oo dhawaan boosaskooda lagu badalay.
Degmada Yaaqshiid oo ka mida degmooyinka ay sida weyn uga howglalaan kooxda Alshabaab, kana dhacaan falalka amni darro ayaa tuhunka uu soo galay madaxda waaxyaha degmada oo intooda badan uu baaritaan ku socdo.
Mid ka mid ah raga loo hanjabay ee lagu Badalay Guddoomiye Waaxeedyadaan xiran ayaa bartamihii Bishii ramadaan waxaa lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir, waxaana dilkiisa fulisay koox Gaari wadatay oo Gaarigiisa ku dhuftay hubka Culus ee Baasuukaha loo yaqaano.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Gudoomiye waaxedyo looga shakiyey Shabaabnimo oo lagu xiray Jilicow + Magacyada

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.