GUILLEM BALAGUE” HAL FURSAD AYAY BARCELONA KU HELI KATAA ANTOINIE GRIEZMANN.

0
149

Barcelona Talaabooyinkii ugu dambeeyay ayay u qaaday soo xero Gelinta Xidiga Antoinie Griezmann oo si wayn ay u daba taagneed dhaawanahaan.

kooxdan ayaa lagu soo waramayaa in ay aad ugu dhawdahay ku guulaysiga saxiixa Xidigan.

Khabiirkaan ayaa waxaa uu xusay in Barcelona ay qasab tahay ugu yaraan in xili ciyaareedkan ay iska iibiso in ka badan 7ba ciyaaryahan si ay u xaqiijiyaan lasoo wareegida si rasmi ah ay kala soo wareegto Atletico Madrid.

Waxaa ay doonayaan maamulka kooxda Barca in saxiixa Antoinie Griezmann ay ka dhigaan mid kamid ah saxiixyada ugu waa wayn ee ay samaynayaan Xili Ciyaareedkan.

Dhanka kale guillem balague waxaa uu shaaca ka qaaday in Barcelona u baahan tahay in ay qiimo dhimis ku samayso Mushaaraadka ay siiso Xidigaheeda.

“Dhibaatada ugu badan ayaa waxaa ay tahay in kooxda dhaqaale aad u badan ay siiso Ciyaaryahanada waxaana sababtan ay noqon kartaa caqabado badan oo kooxda haysata sida Sergio Busquets oo aan wali laga saxiixin Heshiis cusub.

“liiskooda mushaaraadka ayaa aad u sareeya waxaana ay u baahan yihiin in ay hoos u dhigaan.

“hadii ay iska iibiyaan ugu yaraan 8 ciyaaryahan waxaa ay xalin karaan dhibaatada haysata iyagoo keeni kara garoonkooda Griezmann.

“waxaa sidoo kale ay u baahanyihiin xidigo kale sida Khad Dhexe iyo Daafac Bidix iyadoona ay noqondoonto arimaha ay isbadalada ku samayn doonaan xili ciyaareedkan.

Bartilmaameedka xidigan ayaa ah mid isha si wayn ay ugu hayaan bahda sports-ka caalamka ku kala sugan Waxaana ay is waydiinayaan.

Barca Maku Guulaysan Doontaa Saxiixa Gariezmann mise waa ay ku fashilmi doontaa?

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.