GUULAYSTEYAASHA HORYAALKA WAXAY JABIYEEN RICORD-YO CAJIIB AH OO AY HORAY U U DHIGTAY CHALSEA.

0
177

Kooxd Mancity  Bartamihii Todobaadkii aynu kasoo Gudubnay waxay si xarago leh u jabiyeen  3 Ricord  oo  Cajiib ah oo ay horay Horyaalka England ugu Dhigtay Kooxda Chalsea.

Todobaadyadii ugu dambeeyay kooxda Man City ayaa waxa ay ciyaaraysay kulamo aad u xiiso badan kuwaa oo u ogolaaday in ay jabiso Record-yadan.

Man City waxay la ciyaartay Kooxda Brighton waxaana goolka 1aad ee kulankaasi u saxiixay Danilo inta goolka  bar baraha uusan saxiixin xidiga Leonardo Ullou.

Bernardo Silva ayaa waxaa uu Man city u keenay goolka labaad ee ciyaarta kaa oo dhanka kale kooxda ka saaciday jabinta Recordka ku aadan in goolkii 104aad  ka dhaliso horyaalka xili ciyaareedkani.

Horay iskoorkaasi waxaa u dhigtay kooxda Chalsea xili ciyaareedkii 2009-20010kii oo xiligaasi waxaa hogaaminyay Macalin Carlo Ancelotti.

Isla Man city  ayaa Chalsea ka jibisay recordka ku aadan 30-ka  guul ee ay horyaalka ku qaaday xili ciyaareedkii aynu kasoo gudubnay.

Pep Guardiola ayaa xili ciyaareedkan waxaa uu u yahay mid wax wayn ku soo kordhiyay kooxda waxana muuqata in qaab aad u sareeya ay soo Bandhigeen xidigahiisa guud ahaanba kulamada xili ciyaareedkan sii dhamaanaya.

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.