Guuleed oo soo bandhigay 3 arrin oo ku gadaaman qodobka 11aad ee sharciga doorashooyinka qaranka

0
52

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, iminkana ka mid ah musharaxiinta la filayo inay ugu cad-cadaadaan doorashada madaxweyne ee 2021, ayaa walwal ka muujiyay qodobo ka mid ah sharciga doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal, kaasoo shalay loo qeybiyay xildhibaanada Golaha Shacabka.
Guuleed ayaa ka walaacsan qodobka 11-aad oo dhigaya in Madaxweynaha uu Ra’iisul Wasaaraha ka soo magacaabayo Xisbiga ku guuleysta aqlabiyada Baarlamaanka, waxaana qodobkaas uu ku tilmaamay inuu gacmaha ka xirayo Madaxweynaha, kana hor-imaanayo qodobka 90aad ee Dastuurka oo qeexaya awoodaha Madaxweynaha.
Haddaba qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu kaga hadlay qodobkaas oo saacadihii la soo dhaafay dadku si weyn uga hadlayeen:-
ARRIMO KU GADAAMAN QOD.11aad EE SHARCIGA DOORASHOOYINKA.
Anigoo u mahad celinaya gudiga sharciga doorashooyinka ee Baarlamaanka, haddana waxaan lagama maarmaan ah in la ifiyo arimo ku gadaaman qodob cusub ee ay gudigu ku soo dareen sharciga oo ah qodka 11aad gaar ahaan faqradiisa 6aad ee sharciga doorashooyinka ee sheegaya ama tibaaxaya in madaxweynahu uu ka soo dhex qabanayo wasiirka koowaad xisbiga ku guuleeysta aqlabiyadda Barlamaanka.
Haddaba waxaan isleeyahay qodobkaasi cusub ee aan horay baarlamaanku oga doodin ogana baaraan dagin waxuu u baahan yahay is dul istaag iyo ka doodis badan, marka laga eego arimaha soo socda:
1. Qodobka oo aad moodo inuu ka hor imaanayo qodka 90aad ee dastuurka ee qeexaya awoodaha madaxweynaha, asagoo gacmo xiraya madaxweynaha.
2. Qodobka oo wax ka badal weyn ku sameynaya nidaamkii xukun ee dalka ee ku dhisnaa kuna saleysnaa awoodo dheeli tiran oo u dhaxeeya madaxweynaha iyo wasiirka koowaad, lakiinse haddii qodabkaan 13aad la qaato waxaa dhaci doonta in awoodda wasiirka koowaad ay aad xoogeysato uuna noqonayo asagu madaxa dowladda (Head of State) sida curfi ahaan lagu yaqaano wasiirada koowaad ee ku yimaado habka aqlabiyadda Baarlamaanka.
Haddii ay sidaas dhaceysana oo nidaamkaas xukun ee cusub aan u guureynana waxay u baahan tahay in si weyn looga hadlo loogana baaraan dago oo uusan si sibiq ah nagu galin laguna qaadan.
3. Qodobka oo laga yaabo inuu qalqal iyo qulub ku keeno nidaamkii awood qeybsi ee dalka ka jiray, waayo hadduu madaxweynuhu wasiirka koowaad ka soo magacaabayo xisbiga hela aqlabiyadda Baarlamaanka waxaa imaan karta in haddii madaxweynaha la doortay uu noqdo beel (X) qofka hogaamiya xisbiga hela aqlabiyadda baalamaankuna noqdo isla beel (X) uu madaxweynuhu ku qasbanaado inuu qofkaas magacaabo maadaama uu asagu yahay hogaamiyaha xisbiga ee xaqa u leh xubintaas ama xilkaas, taas oo dhaawac ku ah dhowrista nidaamkii awood qeybsi ee jiray.
Dhanka kale hadduu madaxweynuhu asagoo dhowraya awood qeybsiga qofkaas qof aan aheyn oo beel Y ah uu xisbigaas ka dhex qabsadana, waxaa imaan karta inuusan qofkii hogaamiyaha xisbiga ahaa uu ku qanci waayo oo halkaas khilaaf iyo burbur xisbigaas ku yimaado ay dhacdo.
Haddaba waxaan xildhibaanada sharafta leh u soo jeedin lahaa in qodobkaas ay sii gaar ah diiradda u saaraan loogana doodo.




SOURCE: Guuleed oo soo bandhigay 3 arrin oo ku gadaaman qodobka 11aad ee sharciga doorashooyinka qaranka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.