GUUSHII URUGUAY IYI SIRTA HOOSE EE LA HELAY.

0
285

Uruguay ayaa gool wakhti dambe ah guul kaga gaartay xulka Egypt kulan ka tirsan koobka adduunka gaar Group-ka 2-aad ee ay ku wada jiraan xulalka Russia,Uruguay,Egypt iyo Saudi Arabia.
Gool uu dhaliyay daafaca Atletico Madrid ee Jose Gimenez waliba dhashay daqiiqadii 89-aad ayaa xulka Uruguay guusha gacanta u galiyay.
Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doona xogta laga diwaan galiyay kulanka xiisaha leh ee dhex maray Uruguay iyo Egypt.
1.Taageerayaasha,Xiddigaha iyo waliba shacabka Egypt ayaa sugay 10,221 maalin si ay u ciyaaraan kulanka ugu horeeya ee koobka adduunka Russia 2018 markii ugu dambaysay ee ay ciyaareen ayaa ahayd 21 bishii June 1990-ki markaas oo ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen England.
2.Tababaraha xulka qaranka Uruguay ee Oscar Tabárez ayaa ka qayb qaatay koobkii 4-aad ee adduunka kadib markii uu horay uga qayb qaatay 1990,2010 iyo 2014 waana tababaraha ugu badan ee sidaas sameeyay tababarayaasha sanadkan ka qayb qaadanya tartanka.
3.Edison Cavani ayaa taabtay kubada inta ugu yar xiddig kasta oo Uruguay ah qaybtii hore ee ciyaarta waxana uu dhamaan kubadaas ku taabtay meel ka baxsan dilinta ganaaxa.
4.Goolkii uu dhaliyay Jose Giménez ee daqiiqadii (89:01) ayaa ahaa midkii ugu dambeeyay ee ay guul ku gaartay xulka Uruguay koobka adduunka tan ilaa 1990 markaas oo uu daqiiqadii 92 dhaliyay goolka guusha xiddigii Daniel Fonseca.
5.Xulka Egypt ayaa ah Egypt ayaa ah xulka ugu badan ee Africa ah ee ka qayb qaatay koobka adduunka iyaga oo aan wax guul ah gaarin 3 waa laga badiyay 2 bar-baro ayay gashay.




READ MORE FROM THE SOURCE: GUUSHII URUGUAY IYI SIRTA HOOSE EE LA HELAY.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.