‘Hadda Hala Eryo’ – Jamaahiirta Arsenal Oo Codsaday In Shaqada Laga Caydhiyo Tababare Unai Emery Iyo Hal Arrin Oo Ay Ku Haystaan

0
38

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa dalbaday in shaqada laga eryo tababare Unai Emery, kaas oo bandhig ciyaareedka liita ee kulamada  horyaalka ee uu kasoo dhacay kaalmaha sare iyo go’aamada uu ciyaaryahannadiisa ka qaato ay niyad  jab ku keeneen jamaahiirta.
Tababare Emery ayay kooxdiisu ku jirtaa kaalinta shanaad, waxaana ay goolal ahaan kaga horreysaa Manchester United oo ay isku dhibco yihiin, hase yeeshee, Emery ayaa marar badan lagu canaantay in uu si qaldan u xusho ciyaartoygiisa safka koowaad, gaar ahaanna uu kaydka dhigo Mesut Ozil oo hal-abuurkiisa aanay Arsenal ka maarmi karaynin waqtigan.
Suuqan hadda furan ee bisha January, ayaa waxay taageereyaashu rajaynayeen inay kooxdooda kusoo kordhi doonaan wejiyo cusub oo ka caawin kara inay boos ka hesho tartanka Champions League xili ciyaareedka dambe, hase yeeshee, taas ayaa u muuqata mid waqtigu gabaabsi kasii noqonayo, laacibkii ugu dammbeeyey ee lala xidhiidhiyey oo ahaa Ivan Perisic oo baasha weerarka uga ciyaara Inter Milan ayaa isagana xaaladdiisu aanay caddayn kaddib markii jawaab diidmo ah ay kala kulmeen dalab ay ka gudbiyeen.
Laacibkan reer Croatia ayaa markii ay taageereyaasha Arsenal ogaadeen in kooxdoodu dooneyso waxay kusoo dhaweeyeen qalbi furan, hase yeeshee 29 jirkan ayaan la filayeynin inuu yimaaddo Emirates maadaama ay kooxda reer London ku doonayso amaah.
Inter Milan ayaa u sheegtay Arsenal inay kaliya ku heli karaan haddii ay kasoo baxaan shuruuddooda oo ah inay lacag kaash oo cayiman la yimaaddaan, haddii kalena ay ka quustaan, halka ay Gunners la shir-tagtay amaah.
Haddaba jamaahiirta Arsenal oo ka cadhooday fashilka kooxdooda ee saxeexa Perisic, ayaa waxay dalbadeen in shaqada laga eryo tababare Emery oo ay ku eedaynayaan inuu qancin kari waayey laacibkan amaba uu maamulka naadiga ugu cadaadin waayey inay u dhiibaan lacag uu kusoo qaato xiddigan.
Taageereyaasha oo barta Twitterka afti lagaga qaaday waxay ku kala doorteen afar saxeex oo kooxdoodu ay tahay inay u dhaqaaqdo, waxaana booska ugu sarreeya kusoo baxay Perisic oo markii ay arkeen in aanay heli karaynina ay isla Twitterka ku diideen in Emery uu shaqada sii joogo.
Halkan ka akhri qaar ka mid ah codsiga taageereyaasha Arsenal

The post ‘Hadda Hala Eryo’ – Jamaahiirta Arsenal Oo Codsaday In Shaqada Laga Caydhiyo Tababare Unai Emery Iyo Hal Arrin Oo Ay Ku Haystaan appeared first on Latest football news.




SOURCE: ‘Hadda Hala Eryo’ – Jamaahiirta Arsenal Oo Codsaday In Shaqada Laga Caydhiyo Tababare Unai Emery Iyo Hal Arrin Oo Ay Ku Haystaan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.