Halkee ayuu kasoo jeeday amiir ku xigeenkii Daacish ee SOMALIA, yaase dilay?

0
316

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxaysa dilka taliye ku xigeenkii hore ee kooxda Daacish-ta Soomaaliya Mahad Macallim Maxamuud, oo sidoo kale loo yaqaan Mahad Macallim Jajab, kaasi oo 13-ka bishan lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.Inkasta oo xog laga soo xigtay BBC-da ay shalay sheegtay inay dileen xubno isla kooxda ka tirsan oo boos ka dilanayey, ayaa Caasimada Online waxay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay kasoo xigatay in dilka Mahad ay fulisay kooxda Al-Shabaab, oo ogaatay halka uu ku dhuumanayey.Mahad ayaa sida la sheegay Muqdisho u joogay inuu la socdo howlgallo ay maleeshiyada Daacish ka fulinayaan Muqdisho iyo deegaanada ku hareereysan. Al-Shabaab ayaa horey u dishay horjoogeyaal badan oo ka tirsanaa Daacish.Mahad Macallim Jabab, waxa hore u ahaa hoggaamiyihii Dacwada kooxda Al-Shabaab, waxaana uu hadda ku xigeen u ahaa amiirka Daacish ee Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Muumin.Sida Muumin oo kale waxa uu ka soo jeeda beesha Cali Saleebaan, Majeerteen/Daarood, sida laga soo xiganayo Mareykanka oo ku daray liiska argagixisada caalamka bishii Febraayo.2018 waxa uu  mas’uul ka ahaa in uu maraakiib ka caawiyey dagaalyahanno iyo hub Soomaaliya ka soo galay Yamen. Waxa uu ka soo goostay Al Shabaab bishii December 2015, markaas oo uu ahaa ku xigeenka madaxa dhaqaalaha Al-Shabaab ee buuraha Golis.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Halkee ayuu kasoo jeeday amiir ku xigeenkii Daacish ee SOMALIA, yaase dilay?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.