Halkuu ku dambeyn karaa baaritaankii NISA ?

0
293

Muddo todobaad ayaa laga joogaa markii Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya ee NISA ay shaacisay in Madaxda qaranka u gudbiyeen warbixin bilow ah oo ku saabsan Qaraxii 28-kii bishii December ee sanadkii hore ka dhacay Ex Koontarool Afgooye uu qorsheyntiisa lahaa Dal Shisheeye.
Inkastoo aanay NISA magacaabin dalka qorsheeyay qaraxaas, ma jirto illaa iyo hada caddeyn rasmi ah oo ka soo baxay Hey’adda iyo dowladda oo ku aadan dalka ku lug lahaa qaraxaas, iyadoo  Shacabka Soomaaliyeed ka sugayo NISA iyo dowladda inay soo bandhigaan dalka ku lug lahaa, kaasoo noqon doona markii u horeeyay oo la shaaciyo in dal shisheeye inuu qeyb ka ahaa qarax ka dhacay Soomaaliya.
NISA ayaa ka dalbatay Sirdoonka illaa afar dal inay kala shaqeyso baaritaanka qaraxaas ay ku dhinteen dadka ku dhow boqol ruux, Lama oga inta uu qaadan karo baaritaankaas, iyadoo la xusuusto baaritaano hore oo loo saaray Guddiyo dhowr ah oo aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen natiijadooda.
Hase ahaatee baaritaankan ayaa ka duwan kuwii hore, maadaama ay tahay arrin dibadda ah oo tuhuno gelinaya dalal shisheeye, lagana doonayo inay NISA caddeyso oo ay soo bandhigto, haddii aanan la soo bandhigin waxay calaamad su’aal gelineysa mas’uuliyadda iyo maqaamkeeda hey’adda.
Warka ka soo baxay NISA waxaa si weyn uga hor-yimid Mucaaradka dowladda oo ku tilmaamay inuu yahay mid marin habaabin ah iyo in lagu raalli gelinayo daneystayaal shisheeye oo qeyb ka ah loolanka awoodeed ee ka dhaxeeya waddamada danaha istiraatiijiyadeed ka leh Gobolka, gaar ahaan Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay saacado kaddib warkii NISA waxay ku sheegtay qaraxaas mas’uul ka ahaayeen oo ay la beegsadeen muwaadiniin u dhashay Turki iyo Ciidamo Soomaali, inkastoo sheegashada Al-Shabaab ay timid labo maalin kaddib qaraxii Ex Koontarool.
Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo ka hadlayay qaraxaas ayaa caddeeyay inay ka xun yihiin dadka shacabka ee ku dhintay qaraxaas, kana tacsiyadeynayaan, taasoo aheyd arrin aan horay looga baran Al-Shabaab.
Dadka odorasa arrimaha siyaasadda ayaa dhowr arrimood isku xiraya sida khilaafka ka dhaxeeya dalalka Khaliijka iyo loolanka juquraafiga siyaasadda ee gobolka oo Soomaaliya ay meel muhiim ah kaga jirto inuu ka dhigi karo meel ay aad ugu hardamaan dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah, Qatar iyo Turkiga oo xilligan si weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya.




SOURCE: Halkuu ku dambeyn karaa baaritaankii NISA ?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.