HALYEEY KUBADA CAGTA CAAN KU AH OO WEERARAY XIDIGAHA KOOXDA REAL MADRID.

0
104

Tababarihii hore ee xulka qaranka Argentina Ceser luis Monotti ayaa waxaa uu ka hadlay dhaawaca loo gaystay xidiga maxamed saalax ciyaartii Finalka ahayd ee dhawaan ay ku hardameen kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.

Ceser luis Monotti ayaa waxaa uu soo hadal qaaday in kooxda Real Madrid si nasiib ah ay koobka Champions Leage uga qaaday Naadiga Liverpool.

Waraysi gaar ah oo uu siiyay idaacada Fox  Sports ayaa waxaa uu yiri”kulankii Finalka Champions Leage waxaa uu cadeeyay in nasiibka uu muhiim u yahay Nolosha.

Waxaa uu intaa kusii daray”waxa uu ahaa kulankii ugu xumaa ee Real Madrid ay dhalisay 3 gool  Toni Karoos waxaa uu soo bandhigay ciyaar aad u xun,Cristiano Ronaldo ma uusan taaban Kubadda,Krim Benzema  3 jeer ayuu taabtay kubadda,Marcelo sidoo kale  ma uusan soo bandhigan ciyaar qurxoon.

“Waxaan qabaa inaysan u qalmin Real Madrid 3da Gool ee ay Dhaliyeen,waxaana in badan saaciday Qaladaadkii uu sameeyay Gool Hayihii kooxda Liverpool,Xitaa goolkii labaalayda ahaa ee Bale waxa uu ahaa Nasiib.

Ceser luis Monotti ayaa dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday dhaawaca soo gaaray Weerar yahanka Maxamed Saalax Waxaana uu Yiri, Uma malaynayo in Ramos si ula kac ah u dhaawacay Maxamed Saalax,Tani waa Dabeecada Sergio Ramos Marka uu ku jiro Gudaha Garoonka,Xili kastaa waa mid aad u xoogan oo aad u xamaasadaysan.i.

Dhaawaca soo gaaray Maxamed saalax waxaa uu noqday mid ay si wayn usoo hadal qaadeen Halyeeyo Sport

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.