HANJAB QAB LAMODO

0
307

Soomaalida ayaa ku maahmaahda: ‘hadba sidii loo jabo ayaa loo dhutiyaa’. Wax aan is idhi ma dheegataa oo ma tidhaahdaa: ‘hadba sidii loo dhinto ayaa loo tawafaa! Dhimashada kaddib, ruuxa naftu ka baxday sida uu u yaallo waa ka u tawafa. Inta aan jidhkiisu xakoobin haddii aan la isku celinna waa ta aan hadhow la isu jebin karin. Dheegashadaaba aan iska daayo’e, noloshu illeen waa mid iska socota uun. Sida badan, sooyaalku wax uu sugmaa kolkii xaalad jirtay ay xaaladi beddesho. Kolkaas, ayaa dhankii laga guuray raad ku hadhaa, dhankii loo guurayna wax lagu suntaa amma lagu ammaaradiyaa. Labada ba se, haddii xaalku ligan u dhaco waxba kama sii raaqraaqaan.

Soomaalida jiraalkeeda inta aynnu ka haynno waa saxal-ku-nool aan nasiib badnayn. Nasiib darro Alle ma badine, waa qayrkeed-ka-hadho aan taransi lahayn. Yeelkeede, waayihii galaba wax bay ka tidhaahdaa waloow aanay ficil iyo camalfal weligeed ba lahaane. Sida aanay wax u samaysan ayaanay waxna u kaydsan. Ma aha ceebteed’moog waa se danteed’canaad hore iyo daba diid ah. Saxal ku noolaanshaheeda kolka laga yimaaddo, waayo culus amma kuwo fudud wixii ku soo aada si sahlan ayay iskaga qaayibtaa. Halqabsiyo badani wax ay ku yimaaddeen iyo wax u dhigmayaan midna ma miisaanto. Kol baa laga hadlay qaddiyado quseeya deegaankeeda iyo dadkeeda. Si dadban baa loogu sheegay in aanay deegaan lahayn amma dad sugan oo la ogyahay. Dabadeedna deero hawd iska joogta amma cawl banan iska yaacda ayaa si loogu tilmaamay.

Eray kasta oo loo bixiyo waa ay iska qaadatay ogaal la’aan. Dhowaanahan, marar door ah ayaan arkay dad badan oo weyddiimo ka celinaya weedha tidhaahda: “dhulka Soomaalidu degto!”

Horta waa su’aale, Soomaalidu ma dhul aanay lahayn ayay degtaa? Kolka laga yimaaddo inta u dooshay dhulalka shisheeye ee martida ku ah, geeska Afrika Soomaalidu dhulkeeda inta yar ee uga sii baaqiga ah ayay ka degtaa. Kolka, weedhaasi waa duudsi aan gabbasho lahayn oo lagu socodsiinayo, iyana dhugma la’aan iska yeelayso. Kol kale ayaa odhaah la geliyaa: “dadka Af Soomaaliga ku hadla!” Iyana waa yaab kale’e, ma cid aan Soomaali ahayn ayaa Af Soomaali ku hadasha?” Maya weeye jawaabtu. Labadaa kolka laga soo tago, indhowaale wax aan qoraallada dadka ku arkaa weedh kale oo u dhigan: “qowmiyadaha Soomaalida!” Waar goorma ayay qowmiyado noqotay? Sowtii ahayd qowmiyadda yar ee qudha! Miyay badhxantay mise way tarantoo qaar baa doorsoomay?!

Garo oo waa weedh kale oo sideeda u dhaqangalaysa. Inahaa kolka laga soo gudbo, waxyaabo gaar ahaanshaha xarrim ka ah baa iska jira. Waxa jira wax aanay kala lahaan karin amma aan qaybsami karin oo Soomaalidu wadaagto. Afka ayaa ugu horreeya. Soomaalida qaarkeed, haddii ay Afka ka guuraan magacana in ay raaciyaan baa fiican oo wax kale noqdaan.

 Ma se jirayso taasi malahayga! Suugaanta oo isku duuban; hawraar haddii ay tahay sida: maahmaah, maanso iyo halkudheg, cid gaar iskaga yeelan kartaa ma ay jirto. Sidee loo kala yeelan karaa illeen waa dhito af, afkuna waa mid ka dhexeeya’e? Waa lagu doodi karaa sida ummadaha kaleba, in deegaammada qaarkood hab-adeegsiga erayga iyo haldhaciisaba si ugu qumaan. Taasi se ma aha mid meesha ka saaraysa mulkiyadda guud ee “waxa aan la kala yeelan karin”. Nin baa maalin dhoweyd igu yidhi: “gabayagii Soomaalilaanderka ahaa ee Timacadde ayaa sidaa yidhi…!” Inta aan la fajacay baan ku celiyay: “kolkaa ma waxa aad soo waddaa gabayaagii Itoobbiyaanka ahaa ee Qamaan Bulxan?” Jawaab kooban oo “haa” ah ima siine halkiisii hore ayuu ku meermeeray. Waxa aan kula dacwiyay: Timacadde wax aanu mabda’ ahaan iyo dhaxal ahaanba ku ahayn in aad ku sheegtaa miyaanay gef ku ahayn? ii garaabi waayoo tiisa ayuu ku adkaystay.

kol danbe ayaan ku idhi: “sida aad u tidhi waxa igala hawl yar; adiga oo Timacadde degmadiisii ku sheega oo tusaale ahaan yidhaahda: gabayaagii reer Gabiley ee Timacadde!” Tu kale ayaa ka sii darnayd oo nin dadka wax qorqora ka mid ah baa maalin dhowayd hadal qoraal ah ku daray: “maahmaah Soomaalilaand ah ayaa sidaa ahayd…!” Aragti ahaan ma diidin in metalan la yidhaahdo: reer Muduggu sidaa ayay dhahaan, reer Burco sidaa, Reer Diridhaba sidaa… sidaa u raac habdhacyada deegaan.

Tani ma aha mid meesha ka saaraysa laandayrtii guud ee isu keenaysay walxaha aan la kala yeelan karin. Kolka magaalo la tilmaamo, dadkii ku noolaa asalkoodii ayaa ka sarreeya oo SOOMAALI ah. Sidaas daraaddeed, wixii la kala yeelan karaa isagoo qofba si’garadkii ah, walxaha aan la kala yeelan karin waa wax SOOMAALIYEED!

Maahmaah Soomaaliyeed,

 gabayaa Soomaaliyeed,

halkudheg Soomaaliyeed,

 ciyaar Soomaaliyeed,

 dhul Soomaaliyeed,

 dad Soomaaliyeed,

farsamo Soomaaliyeed i.w.m. Amma kolka ay joogto kala urursiga iyo kala ururka, sida haddaba socota hanka sare ha noqdo: dhulka Soomaalidu degto, dadka Af Soomaaliga ku hadla, qowmiyadaha Soomaalida iyo suugaanyahanka gobollada. Kolkaasna, dheeftii kor loo diiday hoos ha laga dhaansado si loogu dhaato hanka jabay ee qabka la mooday.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.