Haweenka oo tiro aad loola yaabay laga siiyey xildhibaanada cusub ee Puntland?

0
360

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa lagu dhawaaqay gelinkii dambe ee maanta liiska xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo muddooyinkii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay, lana sugayay shaacinta magacyada xildhibaanada.Liiska Xildhibaanada oo ay ka muuqdaan 66 xildhibaan ayaa waxaa laga soo kala xulay gobolada Puntland, waxaana xildhibaanada ay dhawaan dooran doonaan guddoonka baarlamaanka.Arinta cajiibka leh ee laga dhex arkay liiska xildhibaanada la shaaciyay ayaa ah in kaliya hal ruux ay haween ka tahay, taasi oo ka dhigan in 65 ruux ay rag yihiin hal ruuxna ay dumar ka tahay baarlamaanka cusub ee Puntland.Baarlamaankaan ayaa shaqeyn doona ilaa sanadka 2023, taasi oo ka dhigan inay yihiin xildhibaanada baarlamaanka Puntland shanta sano ee soo socota.Xildhibaanada kaliya ee dumarka ka ah baarlamaanka Puntland ayaa lagu magacaabaa xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe, waxaana baarlamaanka ay kasoo gashay deegaanada gobolka Sool.Waa arin aan wali ka dhicin deegaanada maamul goboleedyada in hal ruux kaliya ay dumar ka ahaato baarlamaanada ka dhisan maamulada kale ee dalka, iyadoo meelaha qaar ay ku jiraan guddoonka baarlamaanka.Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com




SOURCE: Haweenka oo tiro aad loola yaabay laga siiyey xildhibaanada cusub ee Puntland?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.