HAWL-GAL milatari oo ka dhacay Sacuudiga, xilli laga cabsi qabo afgambi

0
270

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxalsugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa gudaha dalkaas ka sameeyey hawlgallo Militari oo qarsoodi ah kaddib warar sheegayey in ay jiraan isku dayo afgambi isaga lala damacsanaa, sidaas waxaa wargeyska Khaleeji Online u sheegay heesaga caanka ah ee Mujtahid.“Maxamed Bin Salmaan, kaddib markii uu ka tagay Sucuudi Carabiya, waxa uu u sheegay in ay jiraan qorsheyaal qoyska dhexdiisa ah oo lagu diyaarinayo afgambi ka dhan ah isaga,” sidaas waxaa yiri Mujtahid oo Twitter-ka ku soo gudbiya xogaha Sacuudiga.“Bin Salmaan waxa uu amray hawlgallo taxadar leh isaga oo ku amray ciidamada ilaaliya boqortooyada ee ku kala sugan Bariga iyo Galbeedka Riyaad in ay ka hortagaan afambi” waxaa sidaas Khaleej Online u sheegay Mujtahid.“Haddii uu Amiir Axmed dalbado in xukunka lagala wareego boqor Salmaan , waxa uu heli doonaa 95% taageerada qoyska, taas waxa ay walaac ku haysaa boqor Salmaan.”Amiirka mucaaradka ah, Ahmed bin Abdul Aziz al Saud, waxa uu ku soo laabtay caasimadda Riyaad kaddib sanad uu ka maqnaa, waxaana si diiran u soo dhaweeyey Maxamed Bin Salmaan.Sida ay qortay New York Times, Ahmed Bin Abdul Aziz waxa uu ku soo laabtay Sucuudi Carabiya salaasadii, October 30, sida ay sheegeen saddex Sucuudiyaan ah oo ku dhaw boqortooyada  waxaana madaarka ku soo dhaweeyey Maxamed Bin Salmaan.Amiirka waxa uu doonayaa in uu kaalin ka qaato is bedelada, taas oo ka dhigan in uu door lixaad leh ka ciyaarayo iyo dib u habbeyn lagu sameenayo qoyska boqortooyada ama in uu gacan ka geysto in la doorto qof bedela Bin Salmaan.Tan iyo khamiistii, dhaxalsugaha waxa uu booqasho ku marayaa dalal caalamka ah oo Imaaraadka uu ku jira, taasi oo ay ahayd meeshii ugu horreeysay oo uu tago socdaal uu ku kala bixinayo dunida oo ay ku jiraan wadammo carbeed.Waa safarkii kowaad oo uu Bin Salmaan ku baxo kaddib dilkii wariye Jamal Khaashuqji, oo isaga loo haysto.Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com  




SOURCE: HAWL-GAL milatari oo ka dhacay Sacuudiga, xilli laga cabsi qabo afgambi

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.