Hay’adda Sirdoonka Mareykanka oo soo bandhigtay sida Itoobiya uga soo horjeeday midowgii Soomaaliya 1960-kii

0
285

Qoraal hay’ada sirdoonka Mareykanka ee CIA ay qortay 4-tii Bishii Maajo Sannadkii 1960-kii ayaa waxaa uu faahfaahinaya sida ay Itoobiya uga dagaalantay, ugana soo horjeedday midnimadii Koonfur iyo Waqooyi ee dhacday Sannadkii 1960-kii iyadoo ku eedaynaysa in Ingiriis iyo Talyaani ay qorshahaasi ka dambeeyaan si ay u sii joogaan Bariga Afrika, iyadoo inkirsan himilada Soomaaliweyn.

Bishii Luulyo 1-dedii Sannadkii 1960-kii waa maalin ku weyn quluubta Soomaalida. Waa maalin laga madax bannaanaaday gumeysiga, sidoo kale ay xaqiiq dhab ah noqotay qeyb ka mid himilada mideynta Soomaaliweyn, waxaa midoobay laba gobol, halka saddexda kale ay riyo yihiin illaa iyo maanta. Maalintaas waa maalin heeso, mashxarado, farxad, salaamo iyo hambalyo la is dhaafsado.

ITOOBIYA MAXAY KA AAMINSANAYD MAALINTAAS?

Dad baa ka xajiimooda marka la yiraahdo dalka Itoobiya waa cadaw soo jireen ah.

Qoraalkaan oo ay qortay hay’ada sirdoonka Mareykanka ee CIA laba billood ka hor xuriyaddii iyo midnimmadii Koonfur iyo Waqooyi, wuxuu ka hadlayaa xaalka deegaanada kala duwan ee geyiga Soomaaliyeed. Wuxuu ka hadlayaa dareenka Soomaaliyeed iyo welwelka Itoobiya ay ka qabto xurnimada Soomaalida gaari doonto. Qoraalka wuxuu ka hadlayaa tallaabooyin ay waddaniyiinta qaadi doonnaan xurriyadda kaddib si himilada Soomaaliweyn ay u xaqiijiyaan:

1- Baarlamaanka Koonfur oo dadaal ugu jira sidii afti midnimo Soomaali weyn oo UN-ka Qaramada Midoobay hoggaamiyo looga qaadi lahaa dhammaan dhulka Soomaaliya.

2- Waqooyi oo u heelan xurriyaddooda maalmo ka hor Bishii Luulyo, iyagoo hoggaamiyayaashoodu ay booqdeen koonfur kuna heshiiyay in ay midoobaan 1 Luulyo.

3- Itoobiya oo ka baqaysa Muslimiin xooggan oo la deris ah, iyo in Ogaden laga rito, waxay hammiga midnimada kula jirtaa dagaal xoog leh.

4- Itoobiya waxay cambaaraysay midnimada Waqooyi iyo Koonfur ayadoo ku eedaysay Ingiriiska iyo Talyaaniga in ay qorshahaasi ka dambeeyaan si ay u sii joogaan Bariga Afrika, ayadoo inkirsan in Soomaalida ay sidaasi go’aansadeen.

Qoraalka qeybta dambe wuxuu saadaaliyay in gaajada iyo dhaqaala darada Soomaaliya ka jirtay xilligaas dartiis, ay is khilaafi doonnaan Talyaaniga, Ingiriiska iyo Mareykanka oo isku dhinac ah iyo Soomaalida, taas oo marka dambe keenni doonta in Carab iyo Shuuciyiinta ay saameyn xoog leh ku yeelan doonnaan Soomaaliya. Waa dhacday, Soomaaliya waxay ku biirtay ugu dambeyn Jaamacadda Carabta, waxayna xiriir la yeelatay midowgii Soviet, Hantiwadaagna waan qaadannay.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Hassan Adam Hosow

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.