Hay’adda Socdaalka Oo Xafiis Cusub Ka Furatay Degmada Balanbale, Galgaduud

0
329

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa maanta xafiis cusub ka furatay degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.
Munaasabadda xarig ka jarka xafiiskan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta degmadaasi, saraakiil ka socotay hay’adda iyo xubno kale.
Xafiiskan ayaa qaban doona adeegyo ay ka mid yihihiin helista muwaadinka ee Baasaboorka iyo adeegyada kale ee hay’addan.
Shacabka degmada Balanbale ayaa soo dhoweeyey in xafiis cusub ay hay’adda socdaalka ka sameysato degmada Balanbale.
Hay’adda socdaalka ayaa degmooyinka gobollada dalka waxay haatan ka furaysaa xafiisyo, si adeegyada ay dadka u baahan yihiin uga helaan degmadooda.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Hay’adda Socdaalka Oo Xafiis Cusub Ka Furatay Degmada Balanbale, Galgaduud

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.