Hirshabelle: Dowladda Dhexe Waxaan Isla Garannay Howlgal Qorsheysan

0
368

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in dowladda dhexe ay aqbashay in maamulkaasi laga caawiyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo in la furo waddooyinka u xiran ururkaasi.
Cali C/laahi Guudlaawe oo ah madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle oo soo gabagabeeyey safar uu ku yimid Muqdisho ayaa Jowhar ka sheegay in la qaado doono howlgallo dheeraad ah oo maamulkoodu horkacayo dowladana ay qeyb ka tahay.
Waxa uu tilmaamay in Al-shabaab laga saari doono dhammaan deegaannada Hirshabelle, howlgalladaasina qaarkood ka bilowdeen deegaanno ka mid ah Hirshabelle.
“Dowladda waxaa isku soo afgarannay in dadkaan dhibaatada haysata ee amni wax laga qabto, annagane aan horkacno dedaalkaasi lagu xoreynayo, dowladdana wey nala qaadatay” ayuu yiri Guudlaawe.
Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa ku bogaadiyey shacabka ku dhaqan degmada Aadan Yabaal sida ay ugu istaageen iney la dagaallamaan Al-shabaab, isaga oo sheegay in Hirshabelle shacabka is abaabulay gacan siin doonto.
Deegaanno ka mid ah gobollada Hirshabelle waxaa ka socda dagaallo ka dhan ah Al-shabaab.
Goobjoog News




SOURCE: Hirshabelle: Dowladda Dhexe Waxaan Isla Garannay Howlgal Qorsheysan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.