Hodon Naaleye oo ka mid noqotay dadkii ku dhintey weerarkii Hotel Cascasey

0
62

jowhar Somali News Leader
Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunt gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegayaa in weerarkii lagu qaaday gelinkii dambe ee maanta hotel Medina “EX Cascasey” dadkii ku dhintey ay ka mid ahay Hodon Naaleeye oo ahayd saxafiyad soo saarta filmaan dukumantari ah.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii ku dhintey Hodon seygeeda oo la oran jirey Fariid Jaamac kaasoo ka mid ahaa siyaasiyiinta Jubbaland.
Dadka ku dhintey weerarkan ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa kamid ahaa weriye Maxamed Sahal Cumar oo loo yiqiin Gacmadheere iyo siyaasiyiin kale.
Allaha u naxariistee Hodon Naaleeye ayaa waxa ay madax ka ahayd taleefishinka Integration oo muuqaalo badan laga daawaday iyadoo safari ku tegi jirtey gobolada dalka Soomaaliya.
Hodon ayaa ku dhalatay magaalada Laascaanood sanadkii 1976kii hase yeeshee qoyskeeda ayaa galay dalka Canada 1984kii waxayna wax ku baratay wadanka Canada.
Alle ha u naxariistee Gabadhan ayaa aheyd mid dalkeeda aad u jecel bulshada caalamkana u bandhigi jirtay xaalada dalka Soomaaliya.
The post Hodon Naaleye oo ka mid noqotay dadkii ku dhintey weerarkii Hotel Cascasey appeared first on Jowhar.




SOURCE: Hodon Naaleye oo ka mid noqotay dadkii ku dhintey weerarkii Hotel Cascasey

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.