Hogaanka ONLF oo Shaaciyay Waxay ka doonayaan Ethiopia & Qorshaha Safarkiisa Jigjiga

0
280

Jigjiga (Caasimada Online)-Waxaa diyaar garow balaaran uu ka jiraa magaalada Jigjiga oo maanta la filayo inuu gaaro hogaamiyaha Jabhadda ONLF oo muddo badan dagaal kula jirtay Ethiopia.Wafdiga uu hogaaminayo hogaamiyaha ONLF ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, wuxuuna qeyb ka ahaa safarkiisa heshiiskii ay la galeen dowladda Ethiopia.Calanka dowlad Deegaanka iyo astaanta ONLF ayaa si weyn loogu xardhay waddooyinka waaweyn ee magaalada Jigjiga, halkaasi oo maanta hogaamiyaha uu tagi doono, waxaana kaga horeeyay boqolaal askar ka tirsan ONLF.Hogaamiyaha ONLF ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka doonayaan xaqii ay muddo u dagaalamayeen inay helaan, maadaama heshiiskooda uu qeyb ka ahaa in xuquuqdooda la siiyo.Ururka ONLF ayaa in ka badan 20 sano dagaal kula jiray dowladda Itoobiya, waxayna u dagaallamayeen in gobolka Soomaalida uu madaxbannaani ka qaato Itoobiya inteeda kale.Dowladda Itoobiya ayaa ururka ONLF ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta , nabadda iyo isbaddalada ka socda dalkaasi.Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com




SOURCE: Hogaanka ONLF oo Shaaciyay Waxay ka doonayaan Ethiopia & Qorshaha Safarkiisa Jigjiga

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.