Hoobiyayaal lagu asqeeyay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

0
313

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in tirro Hoobiyayaal ah ay ku dhaceen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Hoobiyayaasha ugu badan ayaa la soo sheegayaa inay ku dhaceen Xaafado kamid ah Degmada Wadajir oo ka tirsan Gobolka Banaadir.
Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Hoobiyeyaasha ayaa kusoo dhacay Xaafadaha ka agdhow Xerradda Ciidamada AMISOM ee Xalane.
Waxa ay sheegen in tirada ugu badan ay ku dhaceen Obasiibka Xaafada Xalane ee degmada wadajir,isla markaana mid ka mid ah Hoobiyayaasha uu ku dhacay guri ay deganaayeen dad Shacab ah.
Hoobiyayaasha ayaa waxyeeleeyey qoyska ku noolaa guriga uu ku dhacay, waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in goobaha uu ku dhacay Hoobiyaha uu ku jiray dugsi Qur’aan.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay Hoobiyeyaashaas ayaa waxaa loo qaaday qaar ka mid ah  isbitaalada ku yaalla muqdisho si loogu daweeyo.
Madaafiicdan ayaa laga maqlay guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jirta cabsi soo wajahday dadka qaar.
Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad 5 ruux ay ku dhaawacantay Hoobiyeyaasha sidoo kalane ay jiraan dad aad u liita oo garaab ahaan lagu gaarsiiyay goobaha caafimaadka.
Dhinaca kale, tuurista Hoobiyayaasha ayaa kusoo beegmaaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socto Munaasabadda 1-da Luulyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Hoobiyayaal lagu asqeeyay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.